"Muqdisho waxay ku waabariisatay xasuuq midkii Soobe lamid ah"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasiyiin kala duwan oo ka falcelisay qaraxii Ex-kontarool Afgooye ayaa si adag u cambaareeyay, waxayna tacsi u direen ehelada dadka dhintay, iyagoo soo kabasho u rajeeyay bukaanadda.

Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyey waxaa ku naf-waayey dhacdadaan in ka badan 30 ruux oo isugu jira askar, shacab u badan arday iyo ajaaniib.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ajaaniibta oo tiradoodu tahay afar ay u dhasheen dalka Turkiga. Injineeradan ayaa kamid ahaa kuwa ku howlan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Mahad Salaad, oo kamid ah Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in weerarkan oo loo adeegsaday gaari is-miidaamin uu kamid yahay xasuuqii Soobe oo dilay boqolaal.

"Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Mogadishu saakay waxay ku waabariisatay XASUUQ midkii Soobe lamid ah. Intii dhimatay Allaha u naxariisto. Inta dhaawaca ahna Allaha u boogo dhayo. Aamiin," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, ayaa ku booriyey dowladda Soomaaliya in ay la timaado "qorshe amni oo dhaafsiisan waddo xeris iyo kala wareeg".

Qoraalka siyaasiga hoos ka daalaco

Waxaan canbaaraynaa weerarka argagexiso oo damiir, arxan iyo diin la’aanta ah oo ay kooxda argagexisada Al-shabaab ku qaadeen shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa isbaarada kala wareeg ee Ex koontarool Afgooye.

Waa fariin ay u dirayaan shacabka oo ay leeyihiin cidna u turi mayno, idinmana kala jeclin. Cadawgan waa in aan meel uga soo wada jeesanaa.

Culimadu waa in ay ku dhac yeeshaan oo ay mowqif cad ka yeeshaan cadawga magaca Diinta ku gabanaya, dawladuna waa in ay hogaan iyo qorshe amni oo dhuumasho, jid xir iyo kala wareeg dhaafsiisan la timaadaa, shacabku markaas ayuu dhiiran karaa oo cadawga iska dhicin karaa.
Isbitaalada waxaa laga soo sheegayaa, in ay jirto dhiig la’aan.

Waan ka xumahay in aanan dalka joogin oo aan dhiig shubi karin. Waxaan haddaba shacabka ku boorinayaa in degdeg dhiig loogu shubo dhaawaca.

Allaha u naxariisto intii ku dhimatay, Allaha caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, bedel khayr leh Allaha siiyo intii ku hanti beeshay.


Qaraxaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo todobaadkii lasoo dhaafay ay xukuumadda Soomaaliya sheegtay in ay hoos u dhaceen bilooyinkii lasoo dhaafay qaraxyadda ka dhaca magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM