Musharixiinta KG oo Khudbado jeedinaya iyo xaaladda Baydhabo oo degan

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Sida ku cad Jadwalka cusub ee uu soo saarey Guddiga qaban-qaabada doorashada Koonfur Galbeed waxaa maanta oo Axadda ah, 16-ka December illaa iyo 17-ka, waxaa hadal-jeedin sameyn doona Musharixiinta diiwaan-gashan.

Tartamayaasha oo gaarayay Shan, waxaa haatan la ogyahay inay jiraan kaliya Afar, kuwaasi oo labo kamid ah la sheegay inay wadato dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaasoo kala ah Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Xuseen Calool-Kuus.

Mushariixiinta ayaa kala ah; Aadan Mohamed Nur [Saransoor], Xuseen Cisman Xuseen, Ibraahim Macalin Nuurow iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, kuwaasi oo dhamaantooda la filayo inay khudbado jeediyaan.

Cod-bixiyaasha – oo ah Xildhibaanada Aqalka Wakiilada Koonfur Galbeed – ayay la hadli doonaan Mushariixiinta iyagga oo soo bandhigi doono barnaamiyadooda siyaasiga iyo taariikh nololeedkooda, iyagoo waydiisan doona Xildhibaanada codkooda.

Goobta ay ka dhaceyso doorashada oo si lamid ah lagu qaban doono dhageysiga Khudbadaha mushariixiinta, ayaa la diyaariyay, sida warsidaha Garowe Online u sheegeen xubno sare oo Guddiga qaban-qaabada coddeynta ka tirsan.

Ma cadda sida ay ku qabsoomi karto hadal-jeedinta maadaama faras-magaalaha Baydhabo ay martigelisay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay dibad-baxyo waawayn, kuwaasoo ay dhigayeen taageeriyaasha Mukhtaar Roobow, oo dowladda u xiran hadda.

Banaanbaxyadda ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 12 qof, oo Xildhibaan uu kamid yahay, iyadoo boqolaal ruux lagu xir-xiray, kuwaasoo intooda badan la xiray maalintii shalay.

Musharax Roobow ayaa ku jira liiska 5-ta musharax ee uu diiwaan-geliyay Guddiga, islamarkaana uu siiyay Shaadada aqoonsiga Musharaxnimo, balse la xiray kahor doorashada 19-ka bishan.

Gudoonka Guddiga doorashada ayaa GO u sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay qabsoonto Hadal-jeedinta musharixiinta, inkastoo aysan meesha ka saarin inay dhici karto dib-u dhac mar kale ku yimaadda doorashada.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo doorashada KG iyo xariga Roobow ka hadlay ayaa ku baaqay in Abuu Mansuur si deg-deg ah loosoo daayo iyo in-dib loo dhigo doorashadda.

Arrimahaan oo dhan waxay qayb ka yihiin waxyaabaha ku hareeraysan doorashada iyo hadal-jeedinta ay sameyn doonan mushariixiinta, taasi oo laga yaabo inay dib-udhigto, wallow Guddigu ku adkeysanayo inuu qabanayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo laga helayo ayaa sheegaya in saaka ay degan tahay xaaladda magaalada islamarkaana aysan jirin wax dibadbax ah, waxaana wadooyinka lasoo dhigay ciidamo dheeraad ah, oo Itoobiyaan iyo Soomaali isagu jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM