Muxuu salka ku hayaa muranka u dhaxeeya xildhibaan Muno Key iyo Booliska Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Waxaa maalmihii lasoo dhaafay baraha xiriirka bulshada qabsaday hadal heynta muran la sheegay inuu u dhaxeeyo xildhibaanad ka tirsan golaha shacabka ee Soomaaliya iyo taliska booliska.

Sawirrada la isla dhex marayay barta facebook iyo qaar ka mid ah bogagga internet-ka waxaa ku jiray kuwo lagu arkayay xildhibaan Luul Cabdi Aaadan oo ay wajigeeda ka muuqdeen dhaawacyo.

Dhacdada uu xildhibaannadda dhaawaca ka soo gaaray ayaa abuurtay dood dhinacyo kala duwan leh oo dhan walba oo ay khuseyso uu si gaar ah uga warramayo.

Muno Sheekh Khaliif Abuu oo loo yaqaanno Muno Key, oo xubin ka ah baarlamaanka federaalka ayaa shaacisay in haweeney walaasheed ah loo xiray dambi aysan wax lug ah ku lahayn, balse booliska ayaa sheegay iney arrintaas u mareen sharciga saxda ah.

Dhibaatada ayaa markii ugu horreysay ka billaabatay gacan ka hadal ka dhacay afaafka hore ee aqalka baarlamaanka, kaasoo sida ay xildhibaan Muno sheegtay u dhaxeeyay iyada iyo xildhibaanad Luul Cabdi Aadan.

Muno oo faahfaahisay halka uu asal ahaan khilaafka salka ku hayo ayaa sheegtay in uu soo billowday markii xildhibaannada baarlamaanka ay codka u qaadayeen hindisihii wax ka baddalka xeerka bangiga dhexe ee Soomaaliya.

"Aniga waxaan ka soo hor jeeday fikirka loogu codeynayay in qof ajnabi ah loogu oggolaado maamulka bangiga dhexe ee Soomaaliya, qof walbana fikirkiisa xor ayuu u yahay, laakiin xildhibaanad ka tirsan mudaneyaasha ayaan arrintaas igu maagtay wax shaqo ahna kuma darsanin.

Xildhibaannadda iyo aniga isku fikir ma aannaan ahayn laakiin taas maba isugu imaanin balse xildhibaanad kale oo ag fadhisay ayaan weydiiyay sababta la iigu diiday inaan ka hadlo qodobka laga doodayay waayo dadkoo dhan wey hadlayeen, sababtoo ah fikrad ka duwan baan heystay isla markaana aan rabay inaan ka dhaadhiciyo, horayna waligey ugama hadlin baarlamaanka".

Waxay sheegtay in markii hore ay gudaha aqalka ku murmeen balse markii dambe ay isku gacan qaadeen markii ay bannaanka u soo baxeen.

Erayga 'Fair' oo luuqadda ingiriiska ah

"Gadaal baan fadhiyay laakiin markii dambe horay ayaan u soo dhawaaday labada xildhibaan ee aan isdagaali doonnana waxay fadhiyeen horteyda, waan salaamay waana maamooyin aan mar walba xushmeeyo oo siyaasadda iiga horreeyay. Markii hadalka la diiday ee la yiri codeynta waxaa laga dhigayaa gacan taag, anigana aanan gacanta taagin, ayaan xildhibaannaddii iyada ag fadhisay ku iri 'habaryar waxaan "Fair" ma ahan".

Kalmadda "Fair" ee ay xilligaas xildhibaan Muno adeegsaneysay ayaa ah eray luuqadda ingiriiska ah oo micnihiisu uu yahay "caddaalad".

Iyadoo hadalkeeda sii wadatay ayey ka sii sheekeysay sida uu eraygaas u dhaliyay muranka.

"Waxay igu tiri afka aad ku hadleyso waa ajnabi qofka aad diideysid inaad gacanta u taagtidna waa ajnabi".

Xildhibaan Muno ayaa sheegtay in markii ugu dambeysay ay dibadda baarlamaanka isku dagaaleen iyada iyo xildhibaan Luul, balse markii dambe walaasheed oo aan dagaalka ku lug yeelanin xabsiga loo taxaabay.

Laakiin af hayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in haweeneyda eedeysanaha ah, ee xildhibaannadda walaasheed ah ay qiratay dambigeeda.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu arrintan ku sharraxayay ayuu yiri: "Ciidanka booliska Soomaaliyeed waxay maalin iyo habeen u taagan yihiin ilaalinta sharafta, nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa ciidanka booliska u timid dhibane xildhibaan Luul Cabdi Aaadan oo ka dacwooneysa Maryan Khaliif Abuu. Xildhibaannadda waxaa la siiyay rifeerto ka dibna waxaa raacay ciidan, waxaana la soo xiray eedeysanaha oo dambigeedana qiratay".

Xildhibaan Muno Key ayaa madaxda xukuumadda Soomaaliya ku eedeysay iney kiiskan ku lug leeyihiin, iyadoo sheegtay in walaasheed oo damiin lagu sii daayay dib loo xiray xilli ay ula safreysay magaalada Baydhabo, sidaas awgeedna dayaaraddii ay la socodeen laga baajiyay".

Marka laga soo tago taliska booliska, mas'uliyiinta dowladda Soomaaliya ayaan ka jawaabin hadalka xildhibaannadda.

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM