Nin ajnabi ah oo khal-khal geliyay Garoonka Muqdisho oo Xabsiga Dhexe la dhigay

Image

MUQDISHO, Somalia - Maxkamada gobolka Banaadir ayaa amar ku bixisay in Xabsiga Dhexe ee Muqdisho lagu sii hayo Antony Thomas Cox, kaasoo ay ciidamada amaanka ku qabteen 19-kii bishaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Muwaadinkaan udhashay wadanka Ingiriiska ayaa markii laga xiray madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaa laga shakiyay walax laga dhex-helay boorso watay taasoo loo maleeyay qarax.

Kadib baaritaan ay ku sameysay hay’addaha nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka oo kiiskaan lagu wareejiyay ayaa lagu ogaaday in waxa la tuhmay ay tahay Gaaska Ilmada ka keentay Indhaha dadka.

Mr Cox o 48-sano jir ah, kaasoo haysta dhalashada Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa lagu eedeeyay inuu khal-khal geliyay amniga guud ee dalka iyo inaanu usheegin hay’adaha amniga walax laga shakiyay oo boorsadiisa laga helay.

Eedaysanaha ayaa wajahaya dacwad la xiriirta qodobka 332-531, taasoo ku xusun Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, iyadda go’aanka ugu dambeeya ay gaari doonto maxkamada sare ee dalka.

Go'aanka maxkamada gobolka Banaadir ay kasoo saartay gal-dacwadeedka ayaa nan lagu caddeynin mudada uu xabsiga kusii jirayo Antony Thomas Cox.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM