NISA oo Howlgal gaar ah ka fuliyay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya [NISA], ayaa ka fuliyay saaka howlgal qorsheysan wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Howlgalkan oo ahaa mid ballaaran ayaa Ciidamada waxay guri-guri u baareen deegaanada Weydow iyo Tareedishe, waxaana ay kusoo qabteen boqolaal qof oo u badan dhalinyaro looga shakiyay inay la shaqeeyaan Al Shabaab.

Inta uu socday baaritaanka, waxay Ciidamada NISA xireen wadada muhiimka ah ee ka baxda Muqdisho, islamarkaana aad dhanka gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo loo diiday gaadiidka inay isticmaalaan.

Dhalinyarada lagu soo qabtay Howlgalka ayaa lagu isagu geeyay meelo banaan ah, oo lagu kala saarey, iyadoo kuwa laga shakisan yahay loo soo qaaday dhanka Muqdisho, oo lagu xiray xarunta CID-da.

Howlgalkan ayaa waxay Saraakiishaha hay'adaha amniga dowladda Soomaaliya sheegeen in lagu xaqiijiyanayo amaanka deegaanada Weydow iyo Tareedishe, oo mudooyinkii dambe ka dhacayeen falal amni darro iyo qaraxyo.

Kolonyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa mudooyinkii dambe qaraxyo miido lagula eegnayay wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo lagu dilay Askari iyo dad shacab ah.

NISA ayaa ka shakiyay deegaanada uu howlgalka ka dhacay inay ku dhuumaalaysanayaan xubno katirsan Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM