Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin + Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar ismiidaamin ah oo saaka oo Isniin ah ka dhacay xarunta maamulka degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa mid culus, oo jugtiida laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa waxaa fuliyay nin naftii-huure ahaa kaasoo gaari lagu soo xiray walxaha qarxa ku weeraray xarunta xilli mashquul badan uu ka jiray.

Inta la xaqiijiyay illaa hadda waxaa weerarka ku geeriyootay 4 qof oo shacab ay kamid yihiin, iyadoo tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo loola cararay isbitaaladda, sida ay saraakiisha Boolisku sheegeen.

Burbur xoog leh ayaa dhisamaha xarunta maamulka degmada iyo kuwa ka agdhawaa kasoo gaarey qaraxa gaari, waxaana sawirro laga soo qaadey muujinayaan khasaaro hantiyadeed, oo dhismiyaal burburay u badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka saaka oo noqonaya midkii labaad oo bishan gudaheeda lagu weeraro xarun degmo oo ku taalla Muqdisho.

Labadii bishan, qarax gaari ayaa ka dhacay xarunta maamulka degmada Howlwadaag, waxaana ku dhintey ku dhawaad 10 qof, iyadoo burbur xoog leh gaariisay xarunta iyo masjid ku ag-yaalla.

Weerarka maanta ayaa dhacay xilli saacadaha soo aadan lagu wado in Mdaxweyne Farmaajo ka furo xarunta Iskuul Buluziyo kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, oo kasoo laabtey fasax.

GAROW ONLINE

 

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM