Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo wararkii ugu dambeeyay
WANLAWEYN, Soomaaliya - Qarax xooggan oo geestay khasaarooyin kala duwan ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay duleedka degmada Walla-Weyn, ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo 90KM dhanka waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka, Cali Nuur ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aasay, taasi oo lala eegtay Gaari ay la socdeen Askar katirsan Militeriga dowladda xilli ay mareen duleedka Walla-Weyna.
Cali ayaa sheegay in 8 Askari iyo Taliyahooda ay ku dhinteen qaraxa oo burburiyay Gaarigii ay wateen oo nooca Cabdi-Billaha loo yaqaano. Afar Askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka.
Shalay ayay ahayd markii qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Suuq Khaadka lagu iibiyo oo ku yaalla Walla-Weyn ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 15 qof, waxaana weerarkaasi iyo kii maantaba sheegtay Al Shabaab. [Halkan ka akhri Warka].
Kooxda Al Shabaab ayaa kordhisay mudooyinkii dambe weerarada ka dhanka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku howlgalaya gobolka Shabeellaha Hoose, oo xuduud la leh Muqdisho.
GAROWE ONLINE