Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhaawacmeen kadib markii qarax maanta oo Khamiis ah ka dhacay Dhuusamareeb, magaala madaxda Galmudug.

Warar is-khilaafsan ayaa waxay kasoo baxayaan nooca qaraxa oo lagu kala sheegay Miino iyo Bam-gacmeed.

Taliska Booliska magaaladda oo sheegay in ay baaris ku waddaan ayaa sheegay in ay tirro dad ah u xireen falkaas.

"Qaraxa oo jugtiisa wax xoogaa cusleyd ayaa ka dhacay goob ku dhow Maxkamadda Degmadda," ayuu yiri Cabdullaahi Nuur, oo kamid ah dadka degaanka ee Dhuusamareeb.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda falkaan, wallow dhacdooyin noocaan ah ay horey dhabarka u saaratay Al-Shabaab, oo ah urur hubeysan oo gacansaar la leh Al-Qaacidda.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo ammaanka sarre loo qaadey maadaama xasarado siyaasadeed ay jiraan.

Xiisadda oo ka dhalatay doorashooyin madaxweyneyaal iska soo horjeeda oo lagu doortay magaalada Dhuusamareeb, taasoo ka dhalatay faragelin iyo juujuub lagu eedeeyay maamulka Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM