Qarax lagu weeraray Kolanyo ka tirsan AMISOM [Fahfaahin]

Image

MARAKA, Soomaaliya - Wararka aynu ka helayno Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Shalanbood, ayaa waxay sheegayaan in maanta oo Talaado ah, uu halkaas Qarax lagu eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM.

Qaraxa oo ahaa nooca Miinada meelaha fog-fog laga hago, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro u badan burbur soo gaarey Labo kamid ah baabuurta ciidanka Nabad illaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Xoogaga Al-Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda weerarkaan Jidgalka ah, ayaa shaaca ka qaaday inay ku gubeen Booyad ay lahayd AMISOM, iyo baabuur kale oo kuwa Askarta qaada ah.

Bayaanka ayaa sidoo kaloo ku sheegatay Al-Shabaab inuu jiro Khasaaro dhimasho iyo dhaawac, kaasoo ciidamadda AMISOM, inkasta oo aysan cayimin tiradda dhimashda iyo dhaawaca.

Balse, Gudoomiyaha Shalanbood, Cali Raage, oo wareysi siiyay Garowe Online, wuxuu gaashaanka ku dhuftay warka Shabaab, isagoo sheegay inaanu jirin gaari qaraxa ku gubtay, iyo dhimasho ka dhalatay.

"Qaraxa wuu jiraa, waxaana uu ka dhacay banaanka deegaanka, laakiin warka ku saabsan inuu ku gudtay baabuur, waa mid aan waxba ka jirin, mana ka dhalan khasaaro dhimasho," ayuu hadalkiisa raaciyay gudoomiyaha.

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, wali war hadal ah kama soo saarin falkaan lagu beegsaday ciidamadooda, kaasoo kusoo beegmaya iyadoo Shabaab ay kordhisay weerarka dalka ay ka fulineyso.

Ciidamadda dowladda, oo kaashanaya AMISOM iyo kuwa Mareykan ah ayaa maalmihii u dambeeyay dhinacooda sare waxay u qaadeen Gulufka ka dhanka Shabaabka ku sugan gobolada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM