Qaraxii Muqdisho oo galaaftay Hooyo Umul ahayd iyo Seygeeda

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku dhowaad 20 qof oo ay ku jireen sarkaalad iyo seygeeda oo ay kawada tirsanaayeen ciidamada Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in ku dhinteen qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho.

Weerarka oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa laga soo wariyey kontarool uu maamulo sirdoonka Soomaaliya oo ku dhow Madaxtooyada wallow aanan si dhab ah wali oo geyn bartilmaameedka Is-miidaamintaas.

Balse waxaa loo maleynayaa in ay ahaayeen laba gaari oo meesha mareysay oo ay la kala socdeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo Xildhibaano Aqalka Hoose oo waqtigaasi kusii jeeday xaruntooda.

Warar kale ayaa sheegaya in hadafka uu ahaa dhinaca Villa Soomaaliya balse markii uu dareemay in ay ku adkaan karto in uu halkaasi ka gudbo uu ku dhuftay baabuurka ciidanka.

Faadumo Cali Raage iyo seygeeda Bashiir Geesey oo la socday gaariga Cabdi Bilaha ayaa goobta ku naf-waayey xili askar kale oo ilaalo u ahayd ay dhinteen waxaase kaliya ka badbaaday hal askari oo jidka u furayey.

Dadka kale ee dhacdadaan ku geeriyooday waxaa ku jira Xuseen Ceelaabe Faahiye oo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii Soomaaliya soo maray si gaar ah jagooyinka Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta.

Mudane lagu magacaabo C/kariin Aw Cali Shabeel ayuu dhaawac fudud kasoo gaarey xili laba kale oo saaxiibadii ah oo si dirqi ah uga badbaaday weerarkaasi ay ku carareen guri uu lahaa Sharcidejiye kale.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka warfaafinta oo cambaareeyay weerarka ayaa tibaaxay "in dadka ugu badan ee qaraxaasi argagixisinimada ah ku shahiiday ay barakacyaal ahaayeen".

- Waa tuma Faadumo? –

Marka laga soo tago in ay ahayd sarkaalad ka tirsan milatariga, waxay ahayd hooyo qoys leh. Waxay ifka kala tegtay 9 caruur ah oo midka ugu da'da uu jiro 16, halka kan ugu jira uu saddex isbuuc dhalnaa.

Sidda ay sheegeen ehelkeeda, Faadumo ayaa ahayd Umul 30-casho uu dhalnaa cunugeedii ugu dambeeyay, oo wiil ahaa.

Inkasta oo sooyaalkeeda askarinimo aan wax kooban laga hayn, haddana Faadumo ayaa la sheegaa in xoogaga difaaca qaranka ay ka tirsaneyd in ka badan 10-sano.

2012-kii ayey dagaalka Al-Shabaab ka bilowday dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna kamid ahayd ciidamadii xoreeyay Muqdisho ee Shabaabka u riixay dhanka Shabeellaha Hoose.

Ilaaladda gaarka ah ee madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayay sidoo kale marxuumad kasoo mid noqotay.

Kahor, waxay ka tirsaneed ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee waar-diyeeya Aqalka looga arimiyo dalkan dhaca Geeska Afrika ee leh xeebta ugu dheer qaaradda.

Intii ay talada dalka hayeen dowladihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waramayaa in loo dalac-siiyey darajadda Gaashaanle Dhexe.

Markii ugu dambeysay, waxay ka tirsaneyd saraakiishii hogaamineysay howlgaladdii Al-Shabaab looga saarey degaanada Sabiid, Caanoole iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay kaloo ahayd madaxa howlgaladda ee Guutada Danab ee ciidamada xooga Soomaaliyeed. Howlgalka AMISOM ayaa ku sifeeyy Fay Cali "saaxiib dhab ah".

Sidda laga soo xigtay qof aad u garanaya marxuumad Fay Cali Raage, laba nin oo horey u soo maray ayaa waxaa sidoo kale ay ku dhinteen weeraro ay Al-Shabaab fulisay.

- "Geesiyad, halyeey qaran" –

Bulshada qaybaheeda kala duwan si gaar ah dadka yaqaan Faadumo oo caan ku ahayd magaca Faay Cali, ayaa aad uga naxay gaarida degdega ah ee ku timid iyaga iyo seygeeda oo ciidanka kala tirsanaa.

"Geesiyad, halyeey qaran iyo hooyo dalka xaq ku leh," waa erayada ugu badan oo ay adeegsanayaa dadka naxariista ALLE u rajeynaya qoyskaan dunida ku mideysnaa ee hadda u muuqda in ay Akhaarina ku midoobayaan.

Maqaal lagu daabacay wakaalada ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Faadumo ay ahayd Hooyo si fiican u daryeeli jirtay caruurteeda.

Dadweynaha ayaa su'aallo iska waydiinayaan cida kafaala qaadi doonta caruurta ay ka tageen qoyskaan, maadaama horey dowladdu u dayac-day Ubadka saraakiil kale ku dhintay dagaalka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM