Qiimaha la iibiyo Saacadda iyo Faraantiga uu wato Amiirka Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab, Axmed Diiriye Cumar [Abuu Cubeyda] ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu arkay muuqaal dheer oo ay baahisay kooxdiisa gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Inkasta oo si toos ah aan loo arkeyn wajigiisa, Abuu Cubeyda, ayaa sida caadada ah waxa uu muuqaalka ku bilaabayaan codkiisa.

Fariintiisa oo si toos ah ugu socotay shacabka Mareykanka ee canshuurta ku taageera ciidamadooda ayaa wuxuu u sheegayaan "in ay dib eegis ku sameeyaan halka iyo qaabka ay ku baxdo lacagahooda".

Axmed Diiriye oo Amiirka Al-Shabaab ah tan iyo 2014-kii ayaa muuqaalka waxaa kaliya lagu arkayaa gacmahiisa iyo garbaihiisa.

Labadaas qeybood ayaa soo muuqanaya xili uu la kulmayo dagaalameyaashii qaadey weerarkii Balidoogle ee 30-kii September, sanadkan 2019.

Gacmahiisa waxaa kasoo muuqanaya laba shey, kuwaas oo kala ah Saacad iyo Faraanti kana sameysan qalin, sidda ay sheegeen dadka aqoonta u leh.

Mareegga Garowe Online oo si qoto dheer ugu kuur-galay ayaa soo ogaaday qiimaha suuqyadda caalamka ay ka joogaan iyo macluumaadyo kale oo muhiim ah.

Faraantiga

Sidda laga soo xigtay xeel-dheereyaasha, Faraantiga ayaa ka simeysan dhegax lagu magacaabo Aqeeq, kaas oo laga helo qaybo kamid ah caalamka.

Badi Faraantiyadda noocaan ah ayaa lagu sameeyaa lagana helaa wadamadda Yemen, India, Germany iyo qeybo kamid ah qaaradda Latin America.

Dadka Carabta aad ayey u jacel yihiin Faraantigaan si gaar ah midabka Orange-ga, iyaga oo u yaqaana magaca "midadkii nolosha".

Qiimaha uu suuqyadda caalamka ka jooga ayaa waxaa ay ku xiran tahay hadbka culeyskiisa, midabkiisa iyo tayadda uu leeyahay.

Tusaale ahaan marka uu yahay 925 sterling silver, waxaa qiimaha uu ka joogo suuqyadda caalamka uu noqoyaa 100 illaa iyo 300 oo Doollar-ka Mareykanka ah.

"Khuraafaadka" ku xeeran xirashadda Faraantiga ka sameysan dhagaxa Aqeeq ayaa waxaa kamid ah in qofka uu siinayo raaxo, caafimaad kana saarayo baqdinta.

Saacadda

Nuuca saacadda uu xiran tahay Abuu Cubeyda oo midabkeedu yahay madow ayaa waxaa sanadkii 1868 sameeyay nin lagu magacaabo Patek Philippe kaas oo u dhashay Switzerland.

Saacadda oo inta badan ay xirtaan darawaladda baabuurta ayaa la jaan-qaadeysa heerka wadnaha qofka, xawaaraha uu ku socdo iyo aalad hubineysa heer-kulka ruuxa wata.

Tani ayaa waxay imaaneysaa xili Axmed Diiriye Cumar lagu waramayo in "caafimaadkiisu liito". Wallow ay jiraan sheegashooyinkaan, wali Al-Shabaab si furan ugama hadlin.

Marka laga hadlayo suuqyadda caalamka, qiimaha ay Saacadan, oo loo yaqaano Sports Watch, ka joogto waxaa lagu sheegay 599$ [Shan boqol iyo sagaashan iyo sagaal oo Doollar,] sidda laga soo xigtay bogag kala gedisan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM