RW Khayre oo la kulmay Guddiga Abaaraha Somalia

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay si gaar ah uga wada hadleen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee saameynta ballaaran ay ku yeesheen Abaaruhu.

Kulankan oo ay guddida gurmadka abaaraha ugu warbixiyeen Ra’iisul Wasaaraha waxa ay soo bandhigeen in xaaladu tahay mid ku adag dadka xoolo dhaqatada ah iyo duunyadaba, iyagoo hogo tusaaleeyey soona bandhigay in ay jiraan dad ay isugu darsameen abaaro iyo shuban biyood.

Ra’iisul Wasaaruhuna waxa uu u balan qaaday in aanay ka xukuumad ahaan waxba kala hari doonin dadkaasi abaartu haleeshay, haday noqoto gargaarka biyaha, saadka dadka iyo xoolaha wixii awoodooda ah, guddiguna ay dedaalkooda sii kordhin doonaan mar walbana uu ku dabajoogi doono sida ay wax u socdaan si dadka iyo duunyadaba loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadin karee.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxa maanta looga fadhiyaa in ay badbaadiyaan walaalahooda dibaateysan oo haddii aan wax lala gaarin gaajo u dhiman doona; Waxay noqon doontaa howsha Xukuumaddu maalmaha soo socda mid ku wajahan abaaraha oo kaliya”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in 48dii saac ee la soo dhaafay ay ku dhinteen qaar kamid ah gobollada Koonfureed gaar ahaan gobolka Bay dad tiradoodu gaareyso 110 ruux oo saameeyeen abaaraha iyo cudurka Shuban Biyood halkaasi ka dilaacay, isagoona xusay in xiligan loo baahan yahay iskaashi buuxa iyo wada shaqayn dhex marta Shacabka iyo Dawladda si wadajir loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhiban.

Ugu danbeyn, Wuxuu ugu baaqay Ganacsatada iyo cid walba oo dhaqaale haysta in gurmadka qeybtooda ay ka qaataan, isla markaana ay badbaadiyaan dadka u dhimanaya gaajada iyo haraadka. Isagoo dhinaca kale tilmaamay in wadajir loogu duceeyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed in ALLE uu ka qaado colaada iyo abaaraha soo noq-noqday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM