RW ku xigeenka Somaliya oo diidey qodobo kasoo baxey shirkii Muqdishu

Image

MUQDISHU- Ra'isal wasaare ku xigeenka Dowlada Federaalka Somaliya Maxamad Cumar Carte ayaa diidey qodob kasoo baxay kulankii madaxda Somalida oo ka hadlayey Saami qaybsiga aqalka sare ee Barlamanka 10aad Somaliya.

Ra'isal wasaaraha oo wareysi siiyey Idaacada VOA qaybteeda af-somaliga ayaa sheegey ineysan arinkaan aheyn mid ay ku qanci karaan beelaha kasoo jeeda Somaliland hogaamiya-yaasha madashana dib ugu noqdaan go'aankaas.

Maxamad Cumar Carte ayaa ku eedeeyey in madaxda Somalida aysan aheyn in faraha la galaan qaabka qabiilada beelahaas u qaybsanayaan xubnaha aqalka sare ee Somaliya. 

Warmurtiyeed madaxda Dowlada Fedeaalka iyo kuwa maamulada kasoo saareen Muqdishu 9 August, 2016 ayey waxay ku sheegeen in 11 xubnood aqalka sare ee la siiyey Somaliland 2 Xildhibaan kamid ah la siiyey beelaha Sool iyo Sanaag halka Hal mudane loo qoondeeyey beel la yiraahdo Fiqi Shine oo dagta gobolka Sool.

Qoraalkaan ayaa beelaha Somaliland dib magdhow ahaan ugu celiyey 2 xubnood taasoo tirada guud ee xildhibaanada aqalka sare ee beelaha Somaliland kasoo jeeda ka  dhigeysa 10 xubnood.

Kororsiimada tirada guud ee xildhibaanada aqalka sare ee Somaliya lagu sameeyey ayaa sidoo kale Dastuuriyan khalad ah.

Ra'isal wasaare ku xigeenka oo la waydiiyey sababta hadalkaan saxaafada uga sheegey isaga oo kamid ah madaxda ugu sareysa madasha ayaa xusey in looga cod batey soo jeedintiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug oo hadal kasoo saarey kulankaan ayaa sheegey in maamulkiisu diidan yahay kororsiimada loo sameeyey xildhibanada aqalka sare ee Somaliya maamulka Puntland.

Go'aanka labada xubnood lagu siiyey beelaha Sool iyo Sanaag ayaa lagu sheegin in Puntland tirada aqalka sare ee Barlamanka looga dhigey 13 xubnood.

Doorashada Somaliya ayaa qaabka ay u dhaceyso waxaa lagu sheegey Jadwal cusub ee kasoo baxay Muqdishu mar kale balse murankaan cusub ayaa keeni kara dib dhac kale ee ku yimaada xulista xildhibanada aqalka sare iyo hoose ee Somaliya.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM