RW Sharma'arke oo golihiisa cusub Barlamanka horgeynaya

Image

February 9, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa maanta oo Isniin ah xukuumadiisa cusub hor keenaya Golaha Barlamanka si xildhibaanadu codka kalsoonida ugu qaadaan.

Fadhiga barlamanka waxaa lagu wadaa inay  soo xaadiraan ku dhowaad 240 mudane oo xilligan Muqdisho ku sugan.

Laga soo bilaabo Dec  17, 2014 markaasoo Cumar Cabdirashiid loo soo magacabay Ra'isal Wasaaraha Dowlada Federaalka, wuxuu soo dhisey saddex xukuumadood oo labo kamid ah uu dib ula noqdey isagoon barlamanka hor keenin.

Haddii barlamanku kalsoonida u diido xukuumada waxay taasi dhabar jab ku noqon doontaa habsami u socodka shaqada dowlada maadaama waqtiga haray aad u  kooban yahay qorsheyaalka la doonayo in la fuliyana badan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM