Saameynta fashilka Shirkii Garowe uu ku yeelan karo doorashada 2020-21

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada iyo Maamuladda ayaa ku guuldareystay in ay heshiis ka gaaraan arrimo muhiim ah intii lagu guda jiray wadahadal lix maalmood ka socda Garowe, oo ay martigelisay Puntland.

Kani waa kulankii ugu horeeyay oo natiijo la’aan kusoo gabagaboobo tan iyo markii uu xafiiska yimid madaxweyne Farmaajo sanadkii 2017-kii.

Xeel-dheereyaasha siyaasadda ayaa bubrurka isu-imaatinkaan waxay ku tilmaameen "fursad dahabi ah oo ka luntay qaranka".

Dhinacyadda oo isu yimid 5-tii May ayaa xal kama dambeys ah u raadinayay kala aragti-duwanaanshiyo daaran dhinacyada; Sharciyada batroolka iyo doorashada, dib u eegista dastuurka iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo, maamulada ayaa codsaday in illaa iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaarayo la hakiyo sharciyadda Shidaalka iyo Doorashada oo ay ansixiyeen wasiirada una gudbiyeen Baarlamaanka.

Intii uu shirku socday, dowlada Soomaaliya ayaa gedaal ka riixeysay hindisa sharciyeedyadaasi, kuwaasi oo aanan laga talogelin dowlad goboleedyadda intii lagu guda jiray diyaarintooda.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay kala tagga shirka ayaa waxa uu ku eedeeyay dowlada, isaga oo carabka ku adkeeyay in ay xagal-daacisay ajendaha kulanka, ayna xurmo daro u muujisay heshiiskii awood qaybsiga ee Jabuuti.

Heshiiskaasi oo qalinka lagu duugay bishii December 2017-kii ayaa lagu mideeyay Galmudug iyo Ahlu Sunna, oo fadhigoodu yahay bartamaha Soomaaliya taasi oo haatan kusoo biirtay maamuladda dalka ka jira.

Axmed Maxmed Islaam, hogaamiyaha Jubbaland, ayaa tibaaxay in madaxda Villa Soomaaliya ay raadinayaa muddo kororsi, isaga oo soo jeediyay shir-weyn xaalada dalka looga arrinsanayo oo ka dhan ah madaxa dowlada.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in madaxda dowlad goboleedyada ay ka biyo diideen dalab ka yimid xukuumada oo ku aadaan in shirka laga soo saaro war-murtiyeed ay isaga ilaalineyso waji gabax caalamka.

Maamulada ayaa ku dooday in talaabadaasi marin-habaabineyso Bulshadda Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka.

Xukuumada Federaalka ah illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin sababaha keenay in lagu kala tago kulankaasi.

Guuldaradda Shirkii Garowe ayaa kusoo beegmaya xili aysan wadashaqeyn ka dhaxeyn labada dhinac tan iyo September 2018-kii, xiligaasi oo xukuumada lagu eedeeyay aysan fulin heshiisyadii hore iyo qorshaha amniga Qaranka.

Tani ayaa la rumeysan yahay in ay shaki gelineyso hiigsiga qaranka ee 2020-21 ee ku aadan in ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taasi ah arrinta kaliya oo ay beesha caalamka daneynayso.

"Hab-dhaqanka madaxda dowlada oo ah in aysan wax xil ah iska saarneen xalka, waxa uu umuuqdaa in ay doonayaa in ay yiraahdaan duruufo ayaa jira ee sanad hangula daro, balse Soomaaliya waa ka xaaraan," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo xorreynta degaanada ka maqan gacanta dowlada ayay ahaayeen caqabadaha horey u jiray, balse arrimaha kasoo korodhay Shirkii Garowe ayaa ah Sharciga doorashooyinka.

"Shirkii Garowe waxaa lagu heshiiyey doorasho qof iyo cod oo Sharciga ku jirtay, balse midka ay haatan diyaarisay xukuumada waxyaabo badan oo aan ogeyn baa jirta," ayuu Axmed Madoobe raaciyey.

Sharciga doorashooyinka iyo xisbiyada badan ayaa laf-dhabar u ah coddeyntaasi balse maamuladda ayaa ka biyo diidan qodobo dhowr ah oo xukuumadu kusoo kordhisay sharciyadaas. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Sikastaba, hadii ay qabsoomi waydo doorasho qof iyo cod 2020-21 ayaa noqoneysa dib u dhac kale oo soo wajahay geedi u socodka nabadeynta Soomaaliya iyo fashil ku yimid mid kamida balanqaadyadii Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM