Safiirka cusub Indonesia ee Somalia oo Warqadaha laga gudoomay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Dowlada Indonesia ayaa danjire usoo magacowday Somalia, taasoo umuuqata talaabo ay ku xoojineyso joogitaankeeda diblumaasiyadeed ee wadanka, inkasta o aysan ku lahayn dhismo safaaradeed.

Safiirka cusub oo lagu magacaabo Soehardjono Sastromihardjo ayaa ah diblumaasi sare, kaasi oo dalal badan oo dhaca qaarada Afrika ah wakiil uga ah wadankiisa dhaca koonfurta-bari ee Aasiya.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibada, Cabdiqaadir Axmed Kheyr ayaa Mr Sastromihardjo oo 63-sano jir ah kaga gudoomay xarunta wasaarada maanta oo Talaado ah nuqul kamid ah aqoonsiga darjinimo.

Sida lag asoo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada, kulan ay yeesheen labada mas'uul waxay kaga wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee dalalkaan iyo sidii loosii xoojin lahaa, iyada oo la eegayo danaha ay wadaagaan.

Sastromihardjo ayaa dalkiisa uhaya jagooyin badan oo ay kamid tahay inuu yahay safiirka ujooga Kenya oo loosoo magacaabay 2016-kii. Si lamid ah waxa uu wakiil uga yahay wadamo kale oo qaarada ah iyo hay’ado UN-ka hoostaga.

"Somalia iyo Indonesia ayaa waxay wadaan xiriir soo jireen oo dhinaca ganacsiga ah, kaasi oo soo jiray tan iyo qarnigii 10aad," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaarada arrimada dibada Somalia.

Inta badan dalalka caalamka ayaa safiirada ay usoo magacowdaan Somalia waxa xarun u ah magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, taasoo sabab looga dhigay inaanu xarun safaraadeed ku lahayn gudaha iyo amniga oo liita.

War-Saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda:

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Indonesia

Muqdisho, January 22 , 2019 - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Soehadjono Sastromihardjo, Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii kulanka qaabilaadda uu socday ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya iyo dadaal ku bixinta sidii loo dhowri lahaa, loona horumarin lahaa xiriirkaas oo dhinacyo badan leh.

Soomaaliya iyo Indonesia waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi aad u qoto dheer oo bilowday qarnigii tobanaad ee miilaadiya, kaasi oo saldhig u ahaa iskaashi iyo ganacsi is dhaafsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM