Shabaab oo toogatey dad lagu eedeeyey inay basaas u ahaayeen CIA

Image

June 29, 2015 (GO)- Al-shabaab ayaa  shalay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogatey saddex nin oo basaasnimo lagu soo eedeeyey. 

Toogashada ayaa ka dhacdey goob fagaare ah, waxaana kasoo qayb galay boqollaal dadweyne ah iyo qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab. 

Saddexda nin ee la toogtey oo lagu soo eedeeyey inay jawaasiis u ahaayeen sirdoonka Maraykanka ee (CIA), waxaa lagu kala magacaabi jirey: Maxamed Aadan Shuure (26jir), Maxamed Aadan Cismaan (25jir) iyo Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamed (30 jir).
Qaadiga maxkamadda Al-shabaab ee xukunka riddey ayaa sheegay in raggaas dambiga lagu soo eedeeyey ku caddaaday, qaar kamid ahina maxkamadda horteeda ka qirteen, sidaas darteedna lagu xukumey dil toogasho ah. 

Al-shabaab ayaa laga soo bilaabo sanadkii hore ee 2014 toogatey ku dhowaad soddon qof oo isugu jirey qaar lagu soo eedeeyey basaasnimo iyo qaar kale oo lagu soo eedeeyey inay gogol dhaaf sameeyeen. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM