Shan arrin oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato doorashada Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in uu heshiis kala gaarey dowlada dhexe arrimaha doorashooyinka maamulkaasi.

Balse ma uusan fahfaahin qodobada ay isla meel-dhigeen marka laga reebo in uu dul-mar guud ku sameeyay, shuruudna ku xiray in la fuliyo.

Jubaland – maamul kheyraad badan leh – balse aanan dadkiisa looga faa'idayn ayaa doorashadaan la filayaa in ay isbedal wayn sababto.

Hadaba, warsidaha Garowe Online, ayaa kusoo gudbinaya shan arrimood oo aad u baahan tahay in aad ogaato kahor maalinta cod-bixinta.

- Goorta ay doorashadu dhaceyso -

Sida uu qabo dastuurka maamulka Kismaayo, doorashada ayaa qabsoomaysa 16-ka bisha sideedaad ee Agoosto, sanadkaan 2019.

Lama filayo dib u dhac ama carqalado kale, maadaama ay ku heshiiyeen Axmed Madoobe iyo dowlada dhexe in ay ku qabsoonto waqtigeeda.

Inkasta oo ay wax isbedali karaan, hadana musharaxiinta qaar ayaa ka digaya in ay taasi dhacdo, iyaga oo u arka suurtagalnimo sababi karta.

- Xiliga baarlamaanku waqtiga ka idlaanayo -

Kahor doorashada madaxwaynaha, sidada caadada ah, waxaa qabsoomeysa doorashada xubnaha sharcidejinta oo kadib xulanaya madaxwayne.

Golaha Wakiilada haatan jooga ayaa waxa uu mudada xileedkoodu ka dhacayaa 14-ka bishaan April, iyada oo kadib la guda galayo xulista xubno cusub.

Dadka naqdiya siyaasada Axmed Madoobe ayaa aaminsan in hogaamiyaha faragelinayo soo xuliska xildhibaanada cusub si ay u doortaan isaga.

Hasayeeshee, madaxwaynaha illaa iyo haatan kama uusan jawaabin eedayntaasi, wallow uu ayiday in aysan dib u dhici doonin doorashada.

- Murashaxiinta -

Wali ma cada hadii uu damac ku jiro Axmed Madoobe balse labadii doorasho ee u dambeysay waxa uu ahaa midka koowaad ee ku dhawaaqa.

Doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Jubaland ayaa kala dhacay 2013-kii iyo 2015-kii. Labada jeerba Axmed Islaam ayaa difaacday kursigiisa.

Warar ayaa sheegaya in wasiirka duulista xukuumada Khayre uu murashax yahay si uu meesha uga saaro Axmed Madoobe.

Murashaxiin kale ayaa jira oo olale wada balse waa kuwa aanan illaa iyo haatan lagu qorin diiwaan-ka Guddiga doorashada.

- Heshiiska Axmed Madoobe iyo dowlada  -

Marka laga reebo in ay isla meel-dhigeen qabsoomida doorashda ee waqtigeeda, waxaa jira is-afgaradyo kale oo dhacay.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay Axmed Madoobe uu miiska soo saarey in dowlada aysan murashax u soo dirsan coddeynta.

Si dhab ah looma hubo hadii xukuumadu ogolaatay dalabkaasi, wallow dhinaceeda ay la timid xujooyin kale oo ay ku jirto in uu danaheeda u fuliyo.

Sida lawada ogsoon yahay, xukuumada Farmaajo ayaa gacma-gacmeysay doorashadii Koonfur Galbeed oo kusoo baxay murashaxii ay wadatay.

Siyaasiyiinta reer Jubaland ayaa rumeysan in heshiiska Axmed Madoobe iyo Madaxtooyada uusan ku saabsan danaha maamulka, balse uu yahay dano shaqsiyadeed.

- Saameynta shisheeyaha –

Kenya ayaa waxay laf-dhabar guulihii Axmed Madoobe labadii jeer ee tartanka ku jiray. Balse haatan waxay u muuqataa in ay meesha ka baxday.

Sidda ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah, Madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku afgaran waayay heshiis ay ka gaaraan masiirka Axmed Islaam.

Tani waxay soo dadajisay in labada dhinac ay isku yimaadaan, ayna heshiis ka gaaraan arrimaha ku xeeran coddeynta.

Iyada oo ay tani jirto, hadana waxaa jirta cabsi kale oo ku aadan in ay hoos ka dhex-bixis ay dhacaan maadaama siyaasadu ay wajiyo badan tahay.

Madaxwaynaha Jubaland ayaa kahor inta uusan Muqdisho ka bixin Arbacadii wuxuu la kulmay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, kulan dhaliyay su'aalo dhowr ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM