Shaqo halis ah oo sirdoonka Iiraan ka fuliyo Soomaaliya oo la kashifay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba kamid ah guutooyinka ugu halista badan ciidamadda waddanka Iiraan ayaa si qarsoodi ah uga howlgala Soomaaliya, sidda lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Foreign Policy.

Dhamaan macluumaadka ku jira warbixintan oo uusan si madax-banaan u xaqiijin karin bogga Garowe Online waxaa looga soo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo magacyadooda aan la xusin.

Saraakiisha oo ay ku jiraan qaar ka tirsan Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa rumeysan in Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ay gacansaar hoose la leeyihiin dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Sidda ku cad warbixin, shaqada ay gudaha Soomaaliya ay ka hayaan waa in ay wiiqaan saameynta dalalka Khaliijka iyo Mareykanka "iyagoo isticmaalaya Al-Shabaab oo ay siiyaan taageero maaliyadeed iyo mid hub ah".

Quds Forces, sirdoonka dibadda u qaabilsan Iiraan, ayay warbixinta daaha ka rogtay in ay Soomaaliya u iib-keenaan shidaalka waddankooda "iyagoo ku iibinayaa beec jaban si ay u jebiyaan xayiraada Mareykanka".

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda federaalka iyo booliska Soomaaliya ayay qormadda kasoo xigatay in ay xaqiijiyeen ganacsigaan qarsoon.

Iiraan ayaa sanadihii lasoo dhaafay aad ugu dedaaleysay in ay saameyn buuran ku yeelato Geeska Afrika, waxaana fulinta qorshahaas ay u martay fursado waxbarasho oo bilaash ah oo ay u fidisay ardayda qaaradda.

Ardayda ayaa marka ay dib ugu soo laabtaan guriyahooda waxay qayb ka noqdaan sirdoonka Iran, iyagoo gudbiya xogaha. Sidoo kale, waxaa lagu waramay in ay ka shaqeeyaan yagleelida kooxo Shiico oo taabacsan.

Iiraan oo aanan joogitaan diblumaasiyadeed ku lahayn caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaanan wali ka jawaabin eedeymaha warbixintan.

Mareykanka iyo Iiraan oo isku adeegsada warbaahinta si midba uu kan kale u waxyeeleeyo sumcadiisa ayaa dagaalkooda wuxuu salka ku hayaa hiigsiga xukuumadda Tehran ee ku aadan in ay yeelato Nukliyeerka.

Soomaaliya oo kamid ah dalalka soo koray kana soo kabanaya colaado sokeeya ayaa kamid ah wadamadda ay ku dul-dagaalamaan Iiraan iyo Mareykanka, iyagoo isku adeegsanaya awoodo dowladeed iyo kooxo hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM