Shariif oo fariin u diray hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ahna gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa baaq kasoo saarey colaad beeleedyda ka jira qeybo kamid ah dalka.

"Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo," ayuu yiri Shariif.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaagaan sidii dagaalladaas ahliga loo joojin lahaa, annagana waxaan diyaar ula nahay inaan ka qayb qaadanno oo aan gacan ka siinno nabadeynta dadka walaalaha ah bi’idnillaah".

"Ugu dambeyntiina Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ay qayb ka noqoto dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha soo noqnoqdey ee aafeeyey dalkeenna," ayuu hadalkiisa kusoo xiray siyaasiga.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee dalka, ayaa dhankiisa ku biiray dhinacyadda xoojinaya nabadda.

Hoggaamiyayaasha, odayaasha beelaha iyo guud ahaan dadweynaha reer Jubbaland iyo Koonfurgalbeed waxaan ugu baaqayaa iney u guntadaan joojinta colaadda ka dhex taagan walaalaha dagaalamaya ee degaannadooda," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Wuxuu intaas raaciyey: Dhiig la daadiyo mid kale oo la sii daadiyo waxaan ahayn kama dhashaan ee ha loo degdego joojinta colaadda iyo ka shaqeynta dib u heshiisiin waarta. Waxaan Ilaahey ka baryeynaa in walaalaha dagaallamayo boggooda burcad isu mariyo".

In ka badan 60 qof ayaa lagu dilay dagaal beeleedyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolkada Galgaduud, Jubada Hoose, Shabeellaha Hoose iyo Mudug, kuwaas oo badankooda salka ku hayay aanooyin qabiil.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo qaylo-dhaan u diray ganacsatadda

Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad lagu dhiiragelinayay Orodyahan Cabdullaahi Jaamac Maxamed.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:30AM