Shariif Xasan oo la filayo inuu kaharo Doorashada Koonfur Galbeed [XOG]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Warar hoose oo uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka fekerayo inuu isaga haro tartanka Doorashada madaxtinima maamulkiisa.

Shariif Xasan oo aan wali shaacin mustaqbalkiisa ka qeybgalka doorashada ayaa waxuu la kulmayaa cadaadis xooggan oo dhanka dowladda Federaalka ah, oo la sheegay inay Baydhabo geysatay musharxiin iyo lacag malaayiin dollar ah, oo codadka lagu iibsanayo.

Wararka ayaa intaasi ku daray in Xildhibaanada Koonfur Galbeed 82 kamid ah ay dowladda Federaalka kasoo daabushay Baydhabo, iyadoo dejisay Hoteello ku yaalla Muqdisho, waxaana ay qorsheynaysaa inay dib ugu celiso Baydhabo maalinta doorashada.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa kamid ah Madaxda dowlad goboleedyada uu khilaafka xooggan kala dhaxeeyo Villa Somalia, kuwaasoo shirkoodii dhawaan ay ku yeesheen uga dhawaaqay xisbi siyaasadeed cusub.

Faragelinta dowladda Soomaaliye ee doorashada Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysanaysa, xilli ay Xildhibaanno labada golle ee Baarlamaank Federaalka iyo Aqalka Sare ka digeen arintaasi, oo ka dhalan karta cawaaqib xun iyo inuu dagaal ka dhaco Baydhabo.

Waxaa maanta is-casilay Gudoomiyihii Gudiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cirfo Ibraahim Aadan iyo ku xigeenadiisa oo sheegay in faragelin lagu hayo howlaha gudiga. [Halkan ka akhri warka].

Gudiga ayaa laga yaabaa inuu burburo, taasina ay keentay dib u dhac ku yimaada doorashada oo la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka bishan, oo ka harsan 12 maalmood.

Si kastaba, doorashada Koonfur Galbeed ayaa u noqon doonta tusaale maamullada kale, gaar ahaan kuwa doorashadu kusoo food leedahay sida Puntland oo January 8, 2018 dooranaysa Madaxweyne cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM