Shariif Xasan oo maalgalin u raadinaya dekada magalaada Baraawe

Image

DUBAI - Shirkadda DP World ayaa ka aqbashay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan  inay Khubaro u soo dirto Dekedda yar ee ku taal magaalada Baraawe, kadib Kulan ay ku yeesheen Dubai Todobaadkan.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ku codsaday DP World inay maalgashi ku samayso Dekedda Baraawe, si loo howlgeliyo, maadaama ay tahay mid aan shaqeyn 20-kii sano ee lasoo dhaafey.

Dekedda Baraawe, waa Il-dhaqaale, oo maamulkaasi muhiim u ah maamulka Shariif Xasan, waxayna ku taallaa Caasumadda Koonfur Galbeed. DP World ayuu raadinaya Madaxweynaha maamulkaas iney la wareegto  Dekedda Baraawe.

Shirkadda DP World ayaa horey heshiisyo ku saabsan horumarinta Dekedaha Boosaaso iyo Berbera ula gashay Somaliland iyo Puntland, waxayna hadda isha ku haysaa Dekedaha Kismaayo iyo Baraawe.

DP World oo fadhigeedu yahay Dubai ayaa maalgashi xooggan ku sameynaysa Dekedaha maamul Goboleedyada, iyadoo ka faa'daysanaysa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Somalia iyo Imaaraadka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM