Sharmaake oo dhaliilay mowqifka DF Somalia ka istaagtey khilaafka Dalalka Khaliijka.

Image

DUBAI, UAE-  Raysal wasaarihii hore ee dowlada Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake oo ka hadlay khilaafka Dalalka Khaliijka iyo mawqifka DFS ka qaadatey aysan ummadda Somaliyeed iyo dowladeedaba masalaxad ugu jirin go'anka dhex-dhexadnimo ah ay  qaadatay.
Cumar Cabdirashiid oo ka tirsan Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia oo waraysi siiyey Laanta Af-Somaliga ee VOA ayaa sheegay in khilaafku u dhaxeeyo Afar Dowladood iyo Hal Dowlad oo yar isagoo xusay in dib loo eego tariikhda xiriir ee Somalia ay la wadaagto dalalkan.

“Hadaan eegno yaan xiriir la lahayn Lixdanmeyadii ila waqtigan runtii Dowlad iyo Shacaba cida aan xiriir la leenahay waa saddexda dal ee Sucudiga, Imaraadka iyo Masar marka iyaga inaan la safano ayay ahayd oo aan ku qadarino waxay na tareen Shacab ahaan iyo Dowlad ahaanba iyo Somalida xilligan ku dhaqan ee maslaxadda ku haysta xita amaan ahaan marka iyaga ayay ahayd inaan la mawqif noqono” ayuu yiri Cumar Cabdirashid Sharmaake.

Dowladda Qadar ayuu tilmaamay inaysan waxba tarin Dowladda Somalia ”Qadar Dowlad ahaan weligeed waxba nama tarin waa jiraan Xarakooyin iyo shaqsiyaad ay gacan qabatay lakiin Dowladda Somalia iyo shacabkeed marna uma soo gurman”.

Cumar Cabdirashiid oo la waydiiyey Somalia mawqifka ay qaadatay in uu dhib ku keenayo marka la eego dhinacyada dhaqalaha iyo amaanka ayaa isagoo ka jawaabaya yiri “Runtii meesha ay hadda istageen waxaa loo arkay inay la safatay Qadar arrintaas waxay nagu tahay dhib waxaana u baahanahay Dalalka Somalia gacan qabtay  inay la dhinac noqoto saamayna way nagu yeelanaysaa” .

Sharmaake oo la waydiiyey Turkiga oo sanadihii danbe caawinayey Somalia oo la safan Qadar in haddii Dalalka kele lala mawqif noqdo inuu xumaanayo xiriirka Turkiga iyo Somalia ayaa sheegay khilaafku inuu u dhexeeyo Qadar iyo Dalalka kele Carabta ah ee Sucudiga Masar, Imaraadka iyo Baxrayn Turkiga in  meesha la soo geliyo maaha.

Ugu danbeyn Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inuu Dalka imaanayo madaxda Dowladdana uu kala hadli doono in go'aankii hore laga noqdo wuxuuna xusay in markay go'aankan qaadanaysay ay ahayd inay badsato talada madaama buu yiri ay arrintani ahayd mid masiiriya.

Hadalka Ra'isal wasaraihii hore ee Somalia ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in kulan kii u dhexeeyey madaxda dowlada Federaalka iyo maamulada la isku khilaafey mowqifkii Villa Somalia ka qaadatey khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM