Sheekooyinka argagaxa leh iyo hadal-heynta dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 25 ruux ayaa ku geeriyootay, tirro intaasi ka badan way ku dhaawacantay labo qarax oo loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa lagu soo xiray, kuwaasoo Sabtidii shalay ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab oo mas'uuliyada qaadatay ma aysan fahfaahin halka uu ahaa bartilmaameedkooda, balse, NISA oo sheegtay inay qabatay labo ruux oo ku lug-lahaa waxay ku tilmaantay in weerarka uu ku wajahnaa Tiyaatarka qaranka.

Qaraxyadan oo ka dhacay banaanka Madaxtooyadda, oo ah halka ay degan yihiin, kuna shaqeeyaan madaxdii ugu sareysay dalka ayaa muujinaya fashilka amni ee dowladda Federaalka iyo sida Al-Shabaab u awooddo in iyadoo wadooyinka ciidamo joogaan ay meel kasta oo kamid ah Muqdishoka fulin karo weerar qarax ah ama dil.

- Sheekooyinka argagaxaha leh –

Mar walba oo ay Muqdisho martilgeliso dhacdooyinka noocaan ah, waxaa ka dhasha sheekooyin mahadho ah, kuwaasi oo qoysaska iyo Bulshada Soomaaliyeed xasuus xanuun badan ku reebta.

Qaraxyadii 22-ka December ka kala dhacay Tiyaarta iyo taalada Daljirka Daahsoon, waxaa ka dhashay hadal-heyn badan oo qabsaday baraha bulshadda.

Haddaba, warsidaha Garowe Online, wuxuu kusoo gudbinayaa qaar kamid ah sheekooyinka laga diiwaan-geliyay.

- Wariye Cawil Daahir Salaad –

Cawil Daahir Salaad iyo saddex kale, oo ay is kala tirsanaayeen TV-ga Universal, ayaa kuwada dhintay hal goob kadib markii gaarigooda ay wateen la kulmay qaraxa xilli ay kusii jeedeen goobtooda shaqada, oo Villa Somalia ku dhaw.

Cawil, oo horey dalka uga cararay khatar amni, mudo dheerna ku noolaa dalka Ingiriiska, ayaa dhawaan kusoo laabtay Muqdisho, si uu shaqadiisa halkan uga sii wato, balse ugu dambeyntii qarax ku dhintay isagoo howshiisa ku guda jira.

Cawil ayaa ku caan baxay barnamij dood ah, oo ka baxa Universal TV ayaa geeridiisa qabsatay baraha bulshada iyadoo ay si gaar ah taabatey bahda saxaafadda Soomaaliya iyo qoyskiisa.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay qof kasta oo wax ka qaban kara xaaladeeda,” waa mid kamid ah hadalladii Cawil Daahir horey u yiri, ee ugu saameynta badnaa laguna xasuusan doono.

- Faysal Salaad Samow –

Samow oo da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo labaatan sano jir, waxuu kamid ahaa hogaamiyayaasha dhalinyaradda Muqdisho. ALLE ha u raxmadee, wuxuu ku dhintay qaraxii labaad, kadib markii uu ka badbaadey midkii koowaad.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dad isaga ku dhowaa, Marxuumka, oo ku dhashay Beled-wayne, xarunta gobolka Hiiraan waxa uu ku gudajiray todobaadkii ugu dambeeyay ee u diyaar-garowga Aqal-galkiisa.

Faysal ayaa noqonaya qofkii 3aad ee qoyskiisa looga dilo saddex sano oo xiriir ah. 2016-kii, Aabihiisa waxaa lagu dilay Baydhabo. 2017-dii, walaalkiisa isaga ka yaraa ayaa ku dhintay qaraxii Hotel Saxafi.

- Axmed Macalin Cumar -

Axmed, oo ahaa wiil dhalinyaro ah, ayaa kamid noqday Tobananka qof ee ku nafwaysay qaraxyadii Muqdisho.

Cumar oo kasoo jeeda degaanada Somaliland ayaa caasimada dalka ee Muqdisho yimid dabaqaayadii sanadkii 2017-kii, isaga oo waxbrashadiisa kusoo qaatay Hargeysa.

Horaantii sanadkaan 2018 ayuu fursad shaqo ka helay qaybta warfaafinta ee Booliska Soomaaliya, oo uu madax u ahaa.

Sidda ay daboolka ka qaaday saaxiibadiisa, Marxuumka ayaa qorsheynayay inuu dhowaan gallo bisha Malabka – Guur.

- Saddex macalin –

Barayaasha oo mid ay Haweenay ahayd ayaa waxay ka tirsanaayeen Dugsiga Yaasiin Cismaan oo ay dowladdu maamusho, iyagoo ku geeriyooday weerarkaasi khasaarah badan dhaliyay.

Macalimadda waxay barre sare ka ahayd mid kamid ah Jamaacadaha ku yaala Muqdisho.

Waxaa kaloo jira dad badan oo Soomaaliyeed, oo Askar ilaalo ka ahayd Villa Somalia iyo shacab oo ku waayay noloshoodii qaraxyadii shalay, kuwaasoo kamid ah dhibaatooyinka dhinaca amniga ee maalinlaha ah ee ay wajahayaan reer Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM