Shirka soo xulista xildhibaanada Jubaland oo maanta furmay

Image

January 20, 2015 (GO)- Shirka soo xulidda Barlamanka cusub ee Jubbaland ayaa maanta oo Talada ah ka furmay hoolka shirarka ee garoonka diyaaradaha Kisamayo, kulanka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweyne ku xigeenka koobaad Cabdullaahi Sheekh ismaaciil iyo midka seddexaad Suldaan Cabdiqaadir Luga-Dheere.

Sido kale xubnaha gollaha wasiiradda maamulka Jubbaland ayaa iyagana qeyb ka ah dadka shirka ka qeyb qaadanaya.

Odayasha dhaqanka Jubbaland, ganacsato, ururada dhallinayrada iyo Haweenka ayaa iyagana goobta ku sugan.

Marti ka socota Dowlada Federaalka Soomaaliya, dowladaha deriska ee Kenya iyo Itoobiya ayaa iyana jooga madasha.

Wakiilo ka socda urur goboleedka IGAD iyo Midowga Yurub ah ayaa madasha maanta fadhiya waxaana kamid ah wakiilada wadamada Ingiriiska, Faransiiska,Talyaaniga iyo Jarmalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa furay shirka isagoo sheegay in xildhibanada lagu soo xulayo qaab deegaan.

Fillo goor dhow faah-faahin iyo sawirro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM