Weerarada madaafiicda oo khalkhalgeliyey amniga furitaanka BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Munaasabadda furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya waxaa todobaadkan looga soo wareejiyey xaruntii horey loogu qaban-jiray cabsi laga qabo weerar madaafiic, sidda uu sheegay Xildhibaan.

Sacdiya Salaad Samatar oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxay durtay hadal la xiriira dhanka ammaanka Muqdisho oo khudbadiisa dastuuriga ah uu kusoo qaadey madaxweynaha dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku adkeystay in uu hoos u dhac ku yimid falal amni darro ee ka dhaca magaala madaxda waddanka.

"Guulaha ay ciidamadeena ay si wada jir ah u gaareen waxaad ka dareemi kartaan amniga caasimadda dalka ee Muqdishu oo sida aad la socotaan amni ahaan kasoo wanaagsanaanaysa sanad kasta. Tusaale ahaan, saddexdii bilood ee ugu horreysay ee sanadkii 2018 waxaa magaalada Muqdishu ka dhacay 182 fal amni darro; halka sadexdii bilood ee ugu horreysay ee sanadkii 2019 uu dhacay 74 fal amni darro; sanadkaana uu dhacay 24 fal amni dambiyeed," ayuu yiri.

"Waxaan mar kale shacabka iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka ku boorinayaa in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa kalsoonida iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa shacabka iyo laamaha amniga".

Hase ahaatee, sharci-dejiye Sacdiya ayaa waxba kama jiraan ku sifeysay sheegashadaas, waxayna cuskatay in xaalka nabad-gelya darro ee caasimadda ay caddeyn u tahay in xaflada lagu qaban waayo Iskool Baloosiyo.

Mudaneyaal ayaa ku ooriyey Farmaajo kadib markii uu bilaabay hadal-jeedinta. Sacdiya oo kamid ahayd xubnahaas ayaa sharaxaad ka bixisay sababta ay talaabadaas u qaadeen.

"Xildhibaanadii maanta gaarayey 60 iyo ka badan dadkii ahaa oo ka qayliyey madaxweynaha ayaan kamid ahayn waa u jeedeen saxaafadda; sababta keentay in qiyaaliga uu ka hadlaayo madaxweynaha aan baarlamaanka uga dhex istaagno waxay ahayd; madaxweynaha intii dhibaato taagneyd oo ay kamid tahay sideedii dhakhtar oo la dilay uusan ka hadlin, 'meyd maxaa igu dambeeyay' baa la yiraahdaa 'kii lasii siday' xitaa kama uusan hadlin wali xitaa kamd uusan tacsiyadeyn, wuxuu yiri sanadka haddda lagu jiro 27 qof baa dhintay waana og-tihiin maalin kasta yaala dhalinyaradda iyo cid kasta waad og-tihiin; maanta waxaa ugu dambeeyay oo fariimaha xalay naloo soo diray ay ahayd oo Villa Hargeysa oo intaa la eg la yiri hala yimaado waxayd ahayd Iskool Buluusi oo laga baqay hoobiyeyaal, waddanka nabadiisa horta halkaas ayay mareysaa," ayay u sheegtay wariyeyaasha maxaliga kadib furitaanka kalfadhiga.

Iskool Baloosiyo oo ah Dugsiga Tababarka Soomaaliya kuna yaala degmadda Xamarwayne ayaa sanadihii lasoo dhaafay lagu qabanayey munaasabadaha daahfurka kalfadhiyadda labada aqal ee xeer-dejinta.

Illo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Madaxtooyadda ay goor dambe soo faragelisay qaban-qaabadda xafladda isla markaana ay ku amartay guddiga ku howlanaa in loosoo weeciyo Villa Hargeysa.

Lama ogga hadii Madaxtooyaddu ay heshay xog ku saabsan in kooxaha kasoo horjeeda dowladda sidda Al-Shabaab ay qorsheyneysay weeraro ka dhan ah Iskool Baloosiyo.

Villa Hargeysa oo uu si ku meelgaar ah ugu shiro Aqalka Hoose waxay ku dhex-taalaa Madaxtooyadda Qaranka halkaas oo uu ku yaalo xafiiska Farmaajo oo qudhiisa dhowr jeer weeraro hoobiyeyaal lagu ekeeyay.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Shabaab ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay xoojiyey weeraradda madaafiicda oo ay ku bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda iyo xerada Xalane, wallow waxyeeladda badi soo gaartay shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM