Siyaasi CC Shakuur oo ka digay dhismaha Galmudug aan mid ahayn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga kaga digay dhismaha maamul Galmudug oo kala qeybsan.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo uu culeys kusoo kordhay doorashada madaxtinimadda maamulkan markii uu khilaaf soo kala dhex-galay Ahlu Sunna iyo dowladda oo quseeya hogaanka guddiga doorashada.

Hoos ka akhriso qoraalkiisa

Hogaanka Dawlada Federaalka waxay awoodii iyo dhaqaalihii dawladnimo horay ugu adeegsadeen in madaxweynihii Galmudug xilka laga tuuro. Uma Ayaan hirgelin, laakiin waxay ku guuleysteen in ay kala qaybiyaan hogaankii Galmudug.

Markii ay majaraha u qabteen maamul samayntii Galmudug, natiijadii waxay noqotay qabiiladii iyo odayadii dhaqanka Galmuudg oo dhac iyo boob ka cabanaya , madaxweynihii xilka lagala wareegi lahaa oo Gaalkacyo maamul kale ku dhisaya, musharixiintii u tartamayey xilka madaxweynaha iyo Ahlusunna oo doorashadii qaadacay.

Qaylo dhaan meel walba ah, haddaba su’aashu waxay tahay yaa loo dhisayaa Galmudug kala dhantaalan?

Isku day walba oo shakhsi ama koox 30 kii sano ee ugu danbaysay ay talo Soomaaliyeed ku boobeen, Galmudugna kuma sii jirto e, waxay ku soo idlaatay caaqibo la’aan.

Waa waali siyaasadeed haddii mar walba lagu celceliyo hal ficil oo isku mid ah, lana filasho natiijo ka duwan kuwii hore.

Waxaan ka digaynaa talo xumo iyo tijaabooyinka horay loogu tacab beelay.

Waxaan kula talinaynaa kuwa u durbaan tumaya talo hal dhinac ka raran iyo kuwa ka dhowranaya Galmudug kursi federaal oo keli ah, in ay fogaan arag yeeshaan, oo ay danta dadka iyo deegaanka xeeriyaan, waxna ku qaataan waayaha na soo maray, gaar ahaan kuwa ku soo gubtay xukunka Galmudug kala dhantaalan.

Galmudug waxaa lagu wedi karaa oo keli ah siyaasad loo dhanyahay oo aan cidna laga tegin, laga tashan, la tuurin, laga takhalusin. Siyaasad aan ku meel gaarid ahayn ee mudnaanta la siinayo danta dadka iyo deegaanka Galmudug.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM