Siyaasiyiin ku shiray Nairobi oo soo jeediyay in la bedello xukuumada

Image

NAIROBI, Kenya - Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay xukuumadihii soo marey Soomaaliya, Xildhibaano kamida baarlamaanka 10aad iyo gudoomiyeyaal xisbi ayaa Isniinta maanta ah shir ku yeeshay Nairobi, caasimada Kenya.

Kulankaasi ayaa diirada lagu saarey xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan dhinacyadda; siyaasadda, amniga, heshiisyada ay gashay xukuumada iminka jirta iyo wadahalka dowlada dhexe iyo Somaliland.

Ugu horeyn, xubnaha ayaa sababta ay ugu kulmeen meel ka baxsan dalka hooyo ku macneeyay in xukuumada haatan jirta ay "ka horjoogsatay in ay Muqdisho ku kulmaan iyo caburin lagula hayo".

"Shirka soo aadan waxa uu bisha June ka qabsoomayaa Muqdisho … hadii ay xukuumada isku daydo in ay hor-istaagto waxaan ku qabsan doonaa meelo kale oo dalka ka tirsan," ayay hadalkooda kusii dareen.

Ka qaybgalayaasha ayaa walaac ka muujiyay xaalada amni ee Muqdisho iyo guud ahaan wadanka, iyaga oo sheegay in degaanadii horey loo xoreeyay ay dib u qabsanayaan "kooxaha argagixisada".

Mas'uuliyiinta ayaa soo jeediyay in xukuumada ay shacabka la wadaagto fahfaahinta heshiisyo "khatar ku ah qaranimada Soomaaliya oo ay la gashay dowladaha Eritrea iyo Itoobiya kuwaasi oo uu saxiixay Farmaajo."

Sidda ku cad bayaanka ay soo saareen, waxa ay saluugeen in iyada oo xukuumada Farmaajo ay dhisan tahay muddo laba sano ah aysan wali bilaaban wadahadalkii dowlada dhexe iyo maamulka Somaliland.

Siyaasiyiinta ayaa ka digay muddo kororsi ay sameysto dowlada haatan jirta, oo ay sheegeen in ay ku fashilantay fulinta balamihii ay qaadey ee adkeynta nabad-gelyada, dhameystirka dastuurka iyo xoojinta hay’addaha dowlada.

Xukuumada uu leeliyo ra’iisul wasaare Khayre oo ay dhaliilahaasi oo idil dusha u saaraan ayay ku tartarsiiyeen in ay is-casisho xili ay dalabkaasi culus u jeediyeen madaxwayne Maxamed Farmaajo.

Beesha Caalamka gaar ahaan wadamada daneenaya arrimaha dalka ayay uga digeen in ay ku dhaqaaqaan "falal raad aanan fiicneyn ku yeelan kara dowladnimada Soomaaliya iyo farogelin".

"Xukuumada in ay wax ka haleysay wixii horey loosoo qabtay mooyee … waxba ma hagaajin," ayay carabka ku adkeeyeen, iyaga oo u muuqda kuwa iska indha tiraya horumarka kooban ee uu sameeyay maamulka Farmaajo.

Isu imaatinkaan ay yeesheen siyaasiyiinta ka aragtida duwan xukuumada Farmaajo ayaa imaanaya iyada oo ay ku furan yihiin Villa Soomaaliya mowjado culeyso siyaasadeed oo ay horkacayaan siyaasiyiin xil-doon ah.

Dhanka kale, xukuumada Muqdisho illaa iyo haatan kama aysan fal-celin shirka Nairobi iyo qodobada kasoo baxay inkasta oo isku dayo la sameeyay si loo ogaado aragtitooda ma aysan suurtogelin.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran

Image may contain: text

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM