Somalia: Booqashooyinka RW Khayre ee goobaha dadweynaha oo cabashooyin laga muujiyey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Shacabka dagan magalaada Muqdishu ayaa waxa kasoo yeeraya cabashooyin ku aadan booqashooyinka Ra'isal wasaraha Somalia ku tago inta badan goobaha dadweynahu isugu yimaado madaama lagala kulmo ciidamo halkaas la soo dhoobo.

Ra'isal wasare Khayre oo siyaasada Somalia ku cusub ayaa tan iyo intii xilkaan loo doortey soo kordhiyey waji cusub isagoo inta badan jecel in  sawiro looga qaado booqaahooyinka uu ku bixiyo goobaha dadweynaha isugu yimaado 

Sawirada laga qaado booqaahooyinkaan ayaa ah kuwo markiiba Baraha bulshada la soo dhigo taasoo dad badan soo dhoweeyaan halka kuwa kale ka muujiyaan saluug kuwasoo aaminsan in xukuumada looga baahan yahay shaqo culus oo ka duwan midda ku wajahan xiriirka dadweynaha (Public relation). 

Ra'isal wasare Khayre ayaa habeenkii xalay booqasho aan horey loo shaacin  ku tagey Hotel Maka Al Mukarama halkasoo kula kulmay qaar ka tirsan dadweynihii u soo caweysimo tagey.

Inta ay socotey booqashada Ra'isal wasaraha ayaa waxaa gabi ahaan la joojiyey isu socodkii dadweynaha iyo Gadiidka ee Wadada Maka Al Mukarama iyadoo si Wadajir ah amni sugida wasiirka koowaad uga qayb qaadanayeen ciidamada amniga ee kala duwan ee dowlada Federaalka Somalia.

Warar GO helayo ayaa sheegaya in goobtaas ku sugnaayeen saraakiisha ugu sareysa laamaha amniga gobolka iyo federaalka kuwasoo gabi ahaantood ku howlanaa amni sugida Ra'isal wasaraha.

Dadweynaha magaalo madaxda Somalia ayaa aaminsan in aan loo baahneyn amni sugid baaxadaas hadii aysan keenin baahi rasmiya oo dalka wax u tareysa.

Hotel Maka Al Mukarama ayaa inta badan waxaa isugu yimaada dadka naqdiya dowladaha iyadoo la xusuusto waqtigii dowlada Xasan Shiikh in ay salshig u aheyd inta badan dadkii kasoo horjeedey maamulkiisa.

"Barlamanka dowlada Federaalka ayaa la filayaa Inuu furmo dhowaan, marka maadaama halkaas isugu yimaadaan dad badan oo xogogaal ah ayaa booqashada Khayre waxay u muuqatey mid xuuraansi ah" sidaas waxa GO u sheegey goob jooge ku sugnaa Maka Al mukarama.

Magalaada Muqdishu ayaa bishii Ramadan waxaa ka dhacey weeraro iyo dilal lala beegsadey Hotelo, saldhig Booliis, xarun degmo kuwasoo kuligood bixinayey sawir ah in amniga Magaalo madaxda uusan u wanagsaneyn hadii la eego sida Ra'isal wasaraha Somalia muujinayo.

Warar laga helayo ku xeel dheerayaasha xalaada amniga Somalia ayaa sheegaya in ururka Al shabaab kordhiyaan weerarada ay ku qaadaan goobaha shacabka iyagoo beeninaya talaabooyinka Ra'isal wasaraha kula kulmayo goobaha la isugu yimaado.

Dowlada Federaalka ah weli kama soo saarin warbixn ku aadan faa'idooyinkii howlgalkii lagu xasilanayey amniga magaalo madaxda Somalia.


Xuquuqda warkaan waxaa iska leh warsidaha Garowe Online fadlan hadaad dib u daabaceyso kala soo xiriir office@garoweonline.com

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM