Somalia: Faah faahin qaraxyadii magalada Baydhabo

Image
Image
Image

BAYDHABO- Labo qarax oo kala duwan ayaa shalay 28 Febrayo, 2016 ka dhacay magalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, waxayna sababeen geerida in kabadan 20 ruux halka dhaawucu gaaray 60 qof, waxaana qaraxaasi loo fuliyay labo hab oo is miidaamin ah, mid waxaa gaystay naftiis hore is halligay, halka kan kale ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Labada weerar oo bartamaha magalada ka dhacay, mid waxaa lala eegtay maqaayad camirnayd oo cayaaro laga daawanaayay.

Baaritaano kala duwan oo ciidamada amniga maamulka Koonfur Galbeed sameeyeen, waxaana lagu soo qabtay rag tira ahaan gaaraya 7 kuwaasi oo lagu eedeeyay inay soo abaabuleen weerarkii dhacay, waxaana Gudoomiyaha degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin uu sheegay in qaybtood dambiga lagu soo oogeey qirteen.

Watiin waxa uu sheegay in qaraxyada lagu soo farsameeyay mid kamid ah geerishyada magalada, halkaas oo ragga lasoo qabtay qaybtood kusugnaayeen, wuxuuna intaasi raacshay in cadaalladda la hor keeni doono dambiilayaasha weerarka fuliyay.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlayay weerarkii shalay casar gaabkii dhacay, wuxuu dalbaday gar-gaar deg deg ah oo ladoo gaarsiiyo dadka waxyeelloobay, isagoo xusay inay adagtahay xaaladda dadka qaybtood in dalka wax looga qaban karo, wuxuuna dowladda Somalia iyo beesha caalamka usoo jeediyay inay ka qayb qaataan bad-baadinta dhibanayaashaasi.

Wuxuu carrabka ku dhuftay inay socdaan dadaalo lagu joojinayo weerarada Al-Shabaab isagoo dhinaca tilmaamay inay adagtahay ka hortagista qof doonaya inuu is-halligo.

Dhinaca kale war-qoraal ah oo kasoo baxay Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Somalia ahna madaxa howl galka AMISOM, Francisco Caetano Madeira, ayaa si kulul uga hadlay weerarka Baydhabo, wuxuuna cambaareeyay falkaasi isagoo xusay inay samayn doonaan dadaal kasta oo looga takhalusayo kooxaha nabadiidka ah ee kusugan Somalia.

Wuxuu soo jeediyay in cadaaladda la horkeeno shakhsiyaadkii maleegay qaraxyada lagu laayay shacabka aan waxba galabsan.

Qarxyo kala duwan ayaa waqtiyadan 12.05.2014, 5 Disembar 2014, ka dhacay magalada Baydhabo, waxaana mas'uuliyadooda sheegatay ururka Al-Shabaad iyagoo ku dilay ku dhawaad sodomeeyo ruux isugu geeyn labada weerar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM