Somalia: Kheyre oo daah-furey Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga sare

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisal wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku daah-furay Imtixaanka Mideysan ee Dugsiyada Sare dalka, oo sanadkiiba mar ay dowladdu qabato.

Imtixaanka oo ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Somalia, ayaa waxaa u fariistay Arday gaaraysa 23,000 (Labaatan iyo sadex kun), oo ku galaya qaar kamid ah maamullada dalka.

Imtixaanka midaysan, ayaa waxa uu ka dhacayaa ku dhawaad 77 Goobood oo ku yaala dalka, oo aan ku jirin Deegaanada ay maamulaan Al shabaab, Puntland iyo Somaliland.

Meelaha lagu qabanayo Imtixaanka waxaa ka mida Galmudug, Hirshabelle, Gobolka Banaadir, Koofur Galbeed iyo Jubbaland. Dowladda kama aysan hadlin sababta Goobaha kale loogu qaban waayay.

Waa markii 3-aad, oo Imtixaankan ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada Somalia, oo 2014 kula heshiisay Dalladaha waxbarashada dalka in si wadajir ah loo qaado Imtixaanaadka Dugsiga sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM