Somalia: Qarax ka dhacey magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax Gaari oo xoogan ayaa galabta waxa uu ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumadda Somalia, kaasi oo geystay khasaarooyin kala duwan.

Goobjooge ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaari uu watey macalin wax ka dhiga mid kamid ah Jaamacadaha Muqdishu, oo lagu magacaabo Cabdikarim Shiikh Maxamad.

Qaraxa waxa uu ka dhacay wadada Taleex ee degmada Hodon, waxaana ay dhaawac gaarsiiyay Maclinka watay gaariga, iyo labo ruux oo shacab ah oo wadada marayay, waxaana loo qaadey Isbitaallada.

Cabdikarim Shiikh Maxamad ayaa lagu soo waramayaa in dhaawac culus uu kasoo gaarey qaraxa, islamarkaana uu ku waayay mid kamid ah lugihiisa, sida ay Goobjoogiyaasha u sheegeen Garowe Online.

Lama oga sababta loo bartilmaameedsaday Macalinka, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.

Dhowaan ayey aheyd markii ururka Al shabaab digniin u direen ardeyda Iskuulada, Walidiinta iyo macaliimta kuwasoo ay sheegeen in lagu barto waxyaalo diinta Islaamka ogoleyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM