Somalia: Ra'isal wasare Khayre oo dib ugu noqdey wareegto uu la Taliye ku magacaabey

Image

MUQDISHU, Somalia-  Garowe Online oo horey u shaaciyey in Ra'isal wasaraha Somalia la Taliye xafiiskiisa ah u magacaabey agaasimihii hore ee Wasaarada arimaha gudaha ayaa warar soo gaaraya warsidahaan waxaa ay sheegayaan in uu dib uga noqdey go'aankaas.

Yaxye Cali Ibraahim oo xilka uu ka qaadey Wasiirka arimaha gudaha Somalia Cabdi Farax Siciid "Juxa" ayaa warar soo baxay asbucii ee la soo dhaafey sheegayen in Ra'isal wasaraha Somalia u magacaabey la taliyaha arimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta xoghayihii joogtada ahaa ee wasarada arimaha gudaha  Halkaan ka akhri 

Warsidaha GO ayaa ogaadey in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamad Cabdulahi Farmajo soo faragaliyey arinta magacabistaan kadib markii Wasiirka arimaha gudaha diidey inuu aqbalo go'aanka Ra'isal wasaraha.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ka dalbadey in wareegtadaan dib looga noqdo islamarkana waxaa uu dalbadey in la hagaajiyo xiriirka Wasaarada iyo xafiiska Ra'isal wasaraha.

Dhinaca kale golaha wasiirada dowlada Federalka ayaa ka doodey kulankoodii khamiis-laha ahaa guddi loo magacaabey qaar ka tirsan wasaradaha dowlada kuwasoo Ra'isal wasaare Khayre aad u daneynayo inuu la socdo howlahooda.

Xogaha kulankaan laga helayo ayaa sheegaya in doodaan oo muddo badan qaadatey lagaga hadlay iney jirto baahi keentey in lala socdo howl maalmeedkaan wasaradahaan iyo in kale iyadoo wararku sheegayaan in dib loogu balamey in loogaga hadlo kulamada kale.

Shirkii golaha wasiirada ee xukuumada dowlada Federalka Somalia ayaa waxa sidoo kale maalintii shaley lagu ansaxiyey Hanti dhowre cusub iyadoo loo magacaabey nin la yiraahdo Maxamad Cali Afgooye.

Warkaan xuquuqdiisa waxaa iska leh warsidaha Garowe Online dib u daabicis iyo xigasho fadlan xus magaca warsidahaan hadii kale kala soo xiriir office@garoweonoine.com

GAROWEONLINE 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM