Warmurtiyeed laga soo saarey kulankii Istanbul [AKHRISO]

Image

ISTANBUL, Turkey- Waxaa magaalada Istanbul lagu soo gabagabeeyey kulankii Somalida loogu qabtey Feb 23-24 kaasoo ay shir gudoominayeen madaxweynaasha labada dal Recep Tayyib Erdoğan iyo Xasn Shiikh Maxamud.

Kulankaan ayaa u qaybsanaa shirar lagaga hadlayo arrimaha dumarka, amniga, ganacsiga iyo dhalinyarada.

Warmurtiyeedka kulankan kasoo baxey ayaa lagaga hadlay qaabka doorashada Somaliya u dhaceyso sanadkaan dabayaaqadiisa, arimaha amniga iyo New Deal.

Wadahadalka Istanbul ayaa waxaa ka maqnaa maamulada Puntland iyo Somaliland.

Ra'isla wasaaraha Somalia oo saxaafada la hadley inta uu kulankaas socdey ayaa sheegey in Puntland shirka Istanbul ka qayb gashay isaga oo xusey in wasiir ka tirsan golaheeda xukuumada ku sugan yahay madasha shirka.

Dowlada Puntland ayaa beenisay in kulankaa ka qayb gashay balse qirtey in xubno ka tirsan golaheeda wasiirada ka qayb galayaan kulamo kale oo aan aheyn kuwa siyaasada.

Warmurtiyeedka kasoo baxey kulankaan oo ku qoran Afka ingriiska ayaa kooban 31 qodob. Hoos ka akhriso " waxaa uu ku qoran yahay Afka Ingriiska'.

COMMUNIQUE_Ministerial_High_Level_Partnership_Forum_Istanbul_23_24_February_2016.pdf

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM