Soomaaliya: Ururka Al Shabaab oo Weerarey Saldhig Ciidan

Image

BALCAD, Soomaaliya - Xoogaga Al Shabaab ayaa weerar ku qaadey saldhig military, oo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin duleedka degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sarkaal Military oo ku sugan gobolka, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay weerarka saldhigga, kaasi oo ka dhashay khasaarooyin kala duwan, oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Saldhigga weerarka lagu qaaday ayaa ku yaallaa wadada xiriirisa Balcad iyo Degmada Afgooye, gaar ahaan wadada aada Tuulada Basra, oo ku dhaw xuduuda gobolkaasi la leeyahay Shabeellaha hoose.

Al Shabaab war qoraal ah, oo ku baahisay baraha Internet-ka, ayaa sheegtay in ugu yaraan lix Askari ay uga dileen Ciidamada dowladda weerarka, islamarkaana ay kasoo furteen hub iyo saanad military

Xoogaga Shabaabka waxay kaloo sheegeen in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka ay weerarka ku qaadeen, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo sheegashada kooxdan xaqiijinaya.

Wararka ayaa sheegay in Saldhiga ay ku sugnaayeen ciidan aanan sidaasi u badneyn oo Militariga ka tirsanaa, kuwaasi oo markii dagaalka uu bilowday intoodii badneyd meesha ka baxsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM