Soomaaliya: Beyle oo ka hadlay khilaafka Dekeda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta ka hadlay khilaafka ka taagan Canshuurta Dekedda Muqdisho.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay maanta Muqdisho, ayaa Beyle ka warbixiyay qiimaha canshuurta ee ay ka cabanayaan Ganacstada, taasi oo maalimihii dambe is-mariwaa ka abuurtay shaqooyinka Dekedda.

Wasiirka ayaa beeniyay war kasoo baxay shalay Ganacsatada gobolka Banaadir oo ku aadan canshuur kordhin ay Wasaaradda Maaliyadda ku sameysay badeecooyinka iyo alaabaha kasoo daga furdada.

Beyle ayaa sheegay in ay jirto 10 canshuur oo Ganacstada waajib ay tahay in laga qaado, balse duruufo jiro awgeed ay ku soo koobeen oo keliya 3 canshuur, iyadoo taasina horey ugu qanceen Ganacsatada.

Waxuu dhanka kale Wasiir Beyle usoo bandhigay Saxaafadda warqado oo uu sheegay in Ganacstada iyo Wasaaradda Maaliyadda in ay kala saxiixdeen markii isbedelka lagu sameynaya qiimaha canshuurta.

Beyle ayaa intaasi ku daray inuu diyaar u yahay marwalba in Ganacsatada uu la fariisto, islamarkaana kala hadlo cabashooyinkooda ku aadan dhanka Canshuuraha Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Hadalka Beyle ayaa kusoo beegmaya xilli Dekeda ay maalmo shaqadeeda ay ahayd mid gaabis ku yimid, kadib markii Ganacstada ay sheegeen in laga qaado canshuur aan sharci ahayn, taasi oo ka biyo diideen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM