Soomaaliya: Hogaamiye katirsan Al Shabaab oo Howlgal lagu dilay

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in hogaamiye sare oo katirsanaa Al Shabab ay ku dileen howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose.

Hogaamiyahan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Abu Cabdalla ayaa lagu qaarijiyay howlgalka oo ka dhacay deegaan hoostaga Awdheegle, oo Al Shabaab ku maleegaysay qorsho ay ku fulinayso weerar ka dhan ah ciidamada dowladda ee sugan gobolka.

Maxamed Abu Cabdalla ayaa ahaa ku xigeenka hogaamiyaha Al Shabaab u qaabilsan howlgalladeeda gobolka, sida ay xaqiijiyeen sarkaal katirsan ciidamada xoogga, oo la hadlay warbaahinta afka dowladda ku hadasha.

Howlgalka waxaa sidoo kale ku dhintay 11 xubnood oo kamid ahaa Al Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga la weeraray, iyadoo sidoo kale ay jireen dagaalamiyaal kale oo lagu dhaawacay weerarka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab, oo ku aadan dilka sarkaalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM