Soomaaliya: Qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe [Dhageyso]

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in dhowr qof oo shacab ah ay ku dhinteen qarax miino oo saaka ka dhacay duleedka degmada Balcad.

Saraakiisha maamulka gobolka, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in miino lagu aasay wadada qarkeeda ay ku qaraxday Gaari HOMY ah oo ay la socdeen rakaab ka tagey Afgooye, kuna sii jeeday degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Lix ruux oo shacab ah, oo 2 haween yihiin ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxa miino, waxaana jira dad kaloo dhaawac uu kasoo gaarey kuwaasi oo loo qaadey Isbitaalka Balcad.

Qaraxa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Daniga, oo galbeed uga beegan dhowr Kiilo Mitir degmada Balcad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM