Soomaaliya: Safiirka Midowga Yurub oo booqatay Zoobe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya, Veronique Lorenzo ayaa maanta booqatay goobtii uu ka dhacay qaraxii 14-kii October, ee Isgoyska Zoobe.

Veronique waxaa la socday Wasiirro katirsan Xukuumadda, oo u kamid yahay midka qorsheynta, iyadoo ujeedka booqashadu ahayd inay midnimo u muujiso shacabka Soomaaliyeed, ee saameysay dhacdada.

Intii ay ku sugnayd goobta qaraxa, waxay u kuur-gashay howlaha dib u dhiska ka socda, kaasi oo hormuud uu ka yahay gudoomiyaha maamulka gobolka Thaabit Cabdi Maxamed.

Waxay sheegtay inay aad uga argagaxday xaaladda ay goobta kusoo aragtay iyo burburka xooggan, ee uu qaraxa gaarsiiyay dhismooyinkii halkaasi ku yaalla, oo dadkii ku jiray dhamaantood geeriyoodeen.

Veronique, oo warbaabinta la hadashay ayaa tilmaamay inay dhanka kale ay soo jeedatay howlgalaha halkaasi ka socda ee dib u dhiska iyo nadaafadda isagu jira, taasi oo muujinaysa midnimada shacabka.

Dhanka kale, Safiirka ayaa shaaciyay in Midowga Yurub uu siinayo dowladda Federaalka Soomaaliya deeq lacageed oo gaaraysa Boqol kun oo Yuuro (€100,000), si loogu gurmado dhibaniyaasha qaraxa.

Lacagta waxaa loogu tala galay in Midowga Yurub uu ka gacan siiyo dowladda dabooliska arrimaha bini'aadanimada, dib u dhiska iyo inay awood u yeelato maareynta masiibooyinka lamidka ah tii ka dhacday Zoobe Sabtidii aynu kasoo gudubnay.

Waxay sidoo kale dowladaha Ururka Midowga Yurub gaarsiiyeen Lix Isbitaal oo ku yaalla Muqdisho deeq dawo ah, oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka kusoo dhaawacmay qaraxii Zoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM