Soomaaliya: Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida oo la qorsheynayo in la badalo [XOG]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Taliyaha ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya Cabdulahi Maxamad Cali Sanbalooshe ayaa wararka warsidaha Garowe Online ka helayo Ilo kalsoon yahay xusayaan in mas'uuliyiinta sare ee dowlada Federaalka qorsheynayaan in xilka ka qaadaan iyadoo wararku xogogaal ah tilmaamayaan inuu jiro is-fahan waa dhinaca shaqada ah.

Cabdulahi Maxamad Sanbaloshe oo shaqadan hayey muddo 5 Bilood ah ayaa tan iyo inta uu xilka la wareegey isbadal dhinaca holaha ah ku sameeyey hay’ada Nabad Sugida balse ay  la soo guboonaadey caqabad weyn taasoo aheyd talaabadii dowlada Federaalka wadanka Ethiopia ugu wareejisay sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF kadib markii ciidamada NISA kasoo qabteen Ninkaan degaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in taliyaha iyo madaxda sare ee dowlada is khilaafeen kadib markii shacabku culeysyo siyaasadeed saareen hay'adaha fullinta dowlada Federaalka Soomaaliya iney ka jawaabaan taalabadii Qalbi Dhagax loogu gudbiyey Ethiopia.

Wadahadal dhexmarey madaxda sare ee Dowlada iyo la-Taliye-yaashooda dhinaca siyaasada ayaa waxaa jirey warar sheegaya in Taliyaha ciidmada Nabad Sugida Soomaaliya loo soo jeediyey inuu qaato mas'uuliyada sarkaalka lagu wareejiyey dalka Ethiopia iyadoo lagu fasirayo in madaxda sare ee dowlada aysan ka warqabin howlgalkaan balse sida la rumeysan yahay uu ku gacan sayrey. 

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya inuu jirey qorshe sadexda Taliye ee ciidamada amaanka ( Militariga, Booliiska iyo Nabad Sugida) lagu badalayo isku mar balse dib loo dhigey muddo labo bilood ah halka Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya xil ka qaadistiisu soo hormartey.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey dhinaca kale iney jirto wadashaqeyn la'aan u dhexeysa Taliyaha Nabad sugida iyo Ra'isal wasaaraha Soomaaliya taasoo ku saleysan shaqada iyo isbadalo la damacsanaa in lagu sameyo hay'ada kuwasoo la isku fahmi waayey.

Taliyaha ciidamada Nabad Sugida ayaa isagu shaqo wanaagsan ka qabtey howlgalka loogu magac darey xasilinta magaalo madaxda Soomaaliya iyadoo wadamada tageera dhaqaale ahaan hay'daan soo dhoweeyeen iyagoo aan ka qabin wax shaki ah la shaqeynta Cabdulahi Maxamad Cali Sanbalooshe.

Ra'isal wasaare Khayre oo siyaasada dalka Soomaaliya ku cusub ayaa lagu tilmaamaa nin aan xiriir wanaagsan oo wadashaqeyn ah la'laheyn mas'uuliyiinta kala duwan ee ka tirsan hay’adaha hoos yimaada kuwasoo intoo badan ka cawda faragalin dhinaca shaqada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM