Saraakiil ka tirsan Wasaarada Caafimaadka oo laga helay Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqdey afar kiis cusub Coronavirus ah. Waa tiradii ugu badneyd ee maalin qura uu soo rito, illaa iyo haatan.

Tani ayaa macnaheedu yahay in wadarta guud ee kiisaska ay gaartay 12, oo laba kamid ah laga soo sheegay degaanada maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Dhamaan bukaanadda cusub ayaa la sheegay in lagu qaadsiiyey gudaha dalka, sidda ku xusan war-saxaafadeedka wasaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, kiisaska cusub laba kamid ah waa saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, taas oo qasab ka dhigeysa in dadkii ay la kulmeen ay karan-tiil galaan.

Hoos ka akhriso bayaanka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulaysa waajibaadka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba wixii ka cusboonaada caabuqa COVID-19, waxay umadda la wadaagaysaa qodobadan:

1. Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)

2. Waxay wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19 taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12

3. 4ta xaaladood oo cusub ayaa ah dad dhamaantood wadanka dhexdiisa joogay oo aan la laheyn xiriir dibadda

4. Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Somali 58 jir ah, kaas oo noqnaysa dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa

5. Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda

6. Wasaaraddu ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen xaaladahaas cusub

7. Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda

8. Fadlan inagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka


Shaacinta kiisaska cusub ayaa la sheegay in ay cabsida iyo feejignaanta ku kordhineyso dadka, iyaddoo horey loo joojiyey kulamada balaaran, duulimaadyadda iyo goobaha waxbarashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM