Tarsan oo Muqdisho kusoo laabtey iyo Villa Somalia oo jawaab laga sugayo

Image

MUQDISHO, Somalia - Safiirka Somaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu soo laabtey magaaladda Muqdisho saaka oo Axad ah, kadib markii xukuumadda Nairobi shalay ka dalbatey inuu dalkiisa ku laabto.

Tarsan inuu dib ugu soo laabto dalka waxay ka dambeysay markii Kenya ay u yeeratay safiirkeedii Muqdisho, iyadoo xiisada diblomaasiyadeed ka dhex dhalatay labada dowladooda, taasi oo salka ku haysa muranka dhanka xuduuda badda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ah ee Somalia dhaawacday xiriirkii kala dhaxeeya, iyadoo ku xad-gudubtay kadib markii ay xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku jira xuduud badeedka lagu muransan yahay. [Halkan ka akhri Warka]

Kenya ayaa ka carootey shirkii London ee lagu soo bandhigay xogta shidaalka Somalia, gaar ahaan midka ku xira badda, xillu uu taagan yahay muran badeedka, kaasi oo dacwadiisa taalla Maxkamadda International Court of Justice [ICJ].

Madaxda sare ee dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa kulan gaar ah ku leh Villa Somalia, iyagoo ka arinsanaya waxa laga yeelayo go'aanka Kenya iyo xiisadda diblomaasiyadeeda ee soo cusboonaatey.

Kenya ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia, waxana dalkeeda uu martigelinayaa boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab, iyadoo Xukuumadda Nairobi iyo ganacsatada dalkaasi macaasha badan ka helaan Khaadka la keeno dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM