Tobanaan Ergo ah una hogaansamay amarkii AlShabaab oo la xiray

Image

JOWHAR, HirShabelle – Ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu waramayaa in ay gobolka Shabeellaha Dhexe ku qabqabteen ergo oo kamid ah kuwii dhowaan u hogaan-samay amarkii Al-Shabaab.

Saraakiisha oo tiradda xubnahan ku sheegay 50 ruux, kuwaasi oo isugu jira rag iyo dumar, ayaa tibaaxay in ay ku xireen degaanka Ceel Baraf xili ay kasoo laabteen tuulada Aadan Yabaal ee gobolkaas.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay HirShabelle oo ku aadan talaabadda xigta oo laga qaadayo odayaasha oo ah kuwa soo xulaya baarlamaanka haatan shaqeeya ee Soomaaliya.

Bishii hore, magaaladda Beledwayne, waxaa xabsi loogu taxaabay odayaal dhaqameedyo u tegay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida, kuwaasi oo la sheegay in maxkamad lasoo taagayo.

Al-Shabaab ayaa horey u soo saartay amar ay ku fareyso ergooyin in ay u yimaadan kadibna ay is-diiwaan geliyaan si ay uga badbaadan in ay khaarijiyaan, sidda ay hadalka u dhigeen.

Warbaahinta ayaa ku warameysa in ergooyinkan markii ay u tageen ururkaasi dharka laga bedelay, kadibna loo qabtay wax loogu yeeray aqoon-karorsi kahor inta aan heshiis lala gelin.

Laamaha amniga ayaa rumeysan in sababta ay Al-Shabaab ugu yeertay ergada ay tahay in ay ka qaadan dhaqaale ay ku iibsadaan hub, maadaama ay soo food-saartay dakhli iyo ciidan yari.

Wargeyska The Star ee Kenya ayaa dhowaan qoray in odayaasha qaarkood ay u ogolaadeen AlShabaab in ay u soo xulaan Xildhibaano ku metela doorashadda soo aadan ee sanadka 2020-ka.

Sikastaba, xariga ergadan ayaa kusoo aadeysa xili ay AlShabaab mar kale soo bandhigtay tiro kale oo odayaal ah, kuwaasi oo ay sheegtay in ay cafis u fidisay, dibna ugu laaban doonan degaanadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM