Turkiga oo raadinaya inuu qaato xuquuqda ka Kaluumeysiga xeebaha dalka Somalia

Image

MUQDISHU-  Dowlada Turkiga ayaa raadineysa in dowlada Federaalka Somalia ka qaadato dhamaan xuquuqda ka kaluumeysiga (Fishing rights) xeebaha Somalia muddo 18 sano ah sidaas waxaa warsidaha GO u sheegey dad ku dhow xogahaan.

Heshiiskaan oo hordhaciisa la gaartey dowlada Turkiga dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Shiikh ayaa waxaan laga bixin tafaasiil dheraad ah.

Wararka ku xeera ayaa sheegaya in heshiiskaan ay dabada ka riixayeen waqtigaas xubno siyaasad ahaan gacansaar la lahaa madaxweynihii hore ee Somalia iyadoo dib u dhac ku yimid in la saxiixo madaama dalka Somalia uu galey doorashooyinkii madaxtinimo kuwasoo looga guuleystey Xasan Shiikh.

Madaxweynaha dowlada Turkiga ayaa sida GO fahansan yahay la soo hadal qaadey Madaxweynaha Somalia Farmaajo markii uu booqashada ku tagey dalkaas isagoo u sheegey  Inuu jirey is-afgarad hordhac ah oo ku saabsan dhinaca kaluumeysiga kaasoo waqtigiisu ahaa xiligii madaxaweyne Xasan Shiikh dalka ka ariminayey.

Xogtaan ayaa sheegysa in Madaxweyne dalka Turkiga rabey in la saxiixo heshiiskaan inta booqashada lagu guda jirey balse Madaxweyne Farmaajo waydiistey in dowladiisa ka rabto tafaasiil dheraad ah heshiiskaan madaama aysan ku cadeyn qodobadiisa waxyalaaha lagu kala badalanayo Marka la gaaro dhameystirkiisa.

Dad arkey hehsisikaan qabyada ah (draft agreement) ayaa GO u sheegey in aysan ku qoreyn tafaasiil dheraad ah balse waxaa ku cad in Turkigu gabi ahaan qaadanayo xuquuqda ka kaluumeysiga xeebaha Somalia muddo 18 sano.

Kuma cada heshiiskaan KMG ah in Turkiga kaga badalanayo Somalia taageerada uu iminka siiyo taasoo ku kooban kabida misaaniyada dowlada iyo dyactirka dhismayaasha dowlada magalaada Muqdishu.

Xogtaan ayaa sheegeysa dhinaca kale  in Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh iyo kooxdiisa siyaasada gashaanbuurta kula aheyd aad u raadiyeen in la saxiixo heshiiskaan Doorashada ka hor si lacago uga qaataan balse waxaa ka gaabsadey Madaxweynaha dalka Turkiga madaama xilli doorasho lagu jirey.

Dowlada Turkiga oo shirkado ay leeyihiin maamulaan dekeda Muqdishu, garoonka diyaardaha Aadan Cadde, dhismayaal dowladeed islamarkaana saldhig ciidan ka dhisatey magaalo madaxda Somalia ayaa dhinaca kale tageero dhaqaale siisa dowladahii isaga dambeeya xilka madaxtinimada Somalia.

Talaabadaan ayaa imaaneysa xilli wadamada tageerada dhaqaale siiya dalka Somalia oo bur-bur dowladeed ku jirey muddo ku dhow 30 sano ay xusul duub ugu jiraan sidii ay u qaadan lahaayeen khayraadka dalka iyo kaabayaashiisa dhaqaale.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM