Tuulooyinka la xorreeyay ee hoos u dhigay weerarada Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa aqoonsaday iskaashiga cajiibka ah ee saraakiisha ammaanka ku leeyihiin dedaalada waddanka looga xorreynayo gacmaha Al-Shabaab.

Sanadihii u dambeeyay, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa xagjireeyay rayid badan oo hareerahood ah dagaalka ah.

Intii ay socdeen howlgaladda naf-hurnimadda ah, Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ku waayey askar badan. Warbixin dhowaan soo baxday waxay ku sheegtay in geeridu tahay laba kun oo askar.

Balse iyadda oo ay jiraan dib u dhacyo badan, AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadda ay qabteen tuulooyin muhiim ah oo ku hoos jiray maamuladda ururka uu Mareykanka ugu yeero argagixiso.

Sabiid, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, ayaa kamid ah goobaha la xorreeyay. Maalmo kadib waxaa ay la wareegeen ciidanka degaanka Bariire oo istaraatiiji ahaan muhiim ah.

Guulaha la gaarey, AMISOM waxay rumeysan tahay, in uu u horseedayo saraakiisha amniga in ay ka hortagaan in Al-Shabaab qorato dhalinyaro cusub iyo in ay hesho lacago badan oo baad ah.

"Ciidamadda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM ayaa qabsaday Sabiid oo ay horey u haysteen argagixisadda halkaasoo uu ku yaalay saldhig ay ku qortaan dhalinyaradda kuna uruuriyaan lacagta baadka ah".

Bishii August, ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay Awdheegle oo Al-Shabaab ay sanado u adeegsan jirtay abaabulka, tababarka iyo isku dabaridka weeraradda dhiilada badan leh ee caasimadda kusoo foo leh.

AMISOM ayaa xustay "degaanka waxay markii hore argagixisadda kusoo abaabuli jireen, ku qorsheyn jireen kana soo qaadi jireen gulufyadda".

Ciidamadda Milatariga Soomaaliya ee AMISOM tababartay ayaa lagu wadaa in mas'uuliyada ammaanka dalka ay la wareegaan 2021.

Burundi, Uganda, Rwanda, Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya waa qaar kamid ah dowladaha ciidamadda ay ka joogaan Soomaaliya.

Itoobiya ayaa si gaar ah loogu eedeynayaa in ay gobolada Jubbaland u daabushay askar aan AMISOM ahayn, talaabo ay ku hurineyso dano siyaasadeed.

Isaga oo ka hadlayey shirka Golaha Ammaanka, ergayga UN-ka ee Soomaaliya, James Swan, ayaa Khamiistii ku bogaadiyey ciidamadda Soomaaliya iyo AMISOM in ay Al-Shabaab ka ciribtireen Shabeellaha Hoose.

Swan ayaa yiri: "Kadib duulaankii August, ciidanka Soomaaliya waxay qabsadeen fariisinkooda wallow ay Al-Shabaab soo rogaal celisay weeraradda".

Isaga oo bogaadinaya guulaha muhiimka ah ee ciidanka Soomaaliya iyo AMISOM, Mr Swan ayaa ku daray: "Waxaan hoosta ka xariiqayaa sidda ay u xormeeyeen xuququda bini'aadanimadda Soomaaliya".

Inkasta oo Al-Shabaab ay halis tahay, Somaaliya ayaa isku diyaarineysa in 2020/21 ay qabsato doorasho qof iyo cod ah taasoo ah wax ay aad isha ugu hayso Beesha Caalamka isla markaana daneynayso.

Dalka ayaa si aan xawaare sarre ahayn uga soo kabanaya barnaamijyadda horumarinta qaranka, waxaana Swan uu caddeeyay in saaxiibada aduunka ay balanqaadeen in ay sii wadayaan.

Warbixin kasoo baxday Guddiga Khuburadda UN-ka ayaa bishii hore daaha ka rogtay in Al-Shabaab ay ka quusatay ka ganacsiga dhuxusha una xuub-siibatay "nidaam mooryaanimo" oo lacago uruurin baad ah.

Horjoogahan ururkaan Axmed Diiriye Cumar [Abuu Cubeyda] ayaa bishii October wuxuu ku eedeeyay Ameerikaanka ah "in ay xasilooni darro" u horseedayaan Soomaaliya, isaga oo kaga digay "cawaaqib" kaga imaan karta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM