Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Farmaajo ee Nairobi

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay socdaal lama filaan ah oo uu Madaxwayne Farmaajo ku tegay magaaladda Nairobi ee caasimadda Kenya.

Farmaajo ayaa waxaa safarka ku wehliya ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaasi oo ay isagala soo kicitameen magaaladda Addis Ababa kadib wadahadallo saacado qaatay oo ay yeesheen.

"Madaxwayne Farmaajo wuxuu soo gaarey Nairobi, Kenya…ahmiyada ugu wayn ee madaxwaynaha waa soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Kenya," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Villa Somalia.

Warka lagu daabacay koontada Aqalka looga armiyo dalka ee Twitter—ka ayaa nan lagu soo hadal-qaadin mudada uu qaadan doono safarka.

"Maalinta berri ah ayay la kulmi doonan Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta," ayaa lagu sidoo kale qoraal kale oo lasoo dhigay barta Facebook-ga ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Hogaamiyaasha oo lagu wado in ay si qoto dheer uga wadahadlaan xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka ayaa dul istaagi doona waxa dhaliyay cilaaqaadka hoos u dhacay ee Muqdisho iyo Nairobi.

Labada dal ee dariska ah ayaa isku haysta dhul badeed gaar ahaan goob ku taalla sohdin badeedka oo mid kasta uu sheeganayo, halkaasoo ay ku jiraan noocyo kamid ah kheyraadka.

"Kiiska ay gacanta ku hayso Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee badda wax gorgortan iyo wada hadal ah kama furna. Waxaan ka war sugeynaa go’aanka maxkamadda. Hal taako oo dhulkeenna kamid ah wada hadal ka gali mayno," ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed, Afhayeenka Farmaajo.

Dhamaadka sanadkaan ayaa lagu rajo wayn yahay in ICJ ay go'aan kama dambeys ah kasoo saarto kiiskaan, oo wareegii 1aad ay Soomaaliya ku guuleysatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM