Villa Soomaaliya oo ku fashilantay in ay kala qaybiso hogaanka Jubbaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Ciidamada waa awood kuu xajin karta kursigaaga illaa iyo inta aad ugu talogasho, waa aragti ay isku raaceen qaar kamid ah culimadda siyaasadda.

Tusaalayaasha ugu wanaagsan ee loosoo qaato waxaa ugu dambeeya, madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, kaasi oo ka badbaaday isku day milatari oo lagu afgambin lahaa.

Xeeladaasi waxaa hadda muuqata in uu adeegsanayo Axmed Maxamed Islaam, hogaamiyaha Jubbaland ee doorashadu kusoo food-leedahay.

Axmed Madoobe ayaa gudaha Kismaayo iyo degaanada kale ee maamulkaasi waxa uu ka bilaabay olale xoogan oo uu kaga hortagayo "kacdoon ciidan".

Kacdoonkaasi waxaa abaabuleysa dowlada federaalka oo utafaxeedaneysa sidii ay daaqada uga saari lahayd madaxweynaha talada haya tan iyo sanadkii 2013-kii.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maalmihii dambe socdaalo ku tegay magaalooyin ku yaala gobolada Gedo oo ay Ceelwaaq ee ku taala sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting, tree and outdoor

Sidda ay sheegeen illo wareedyo, Maxamuud ayaa ku booriyay ciidamada in aysan ku dhex-milmin siyaasada, oo aan loo adeegsan "burburinta Jubbaland" iyo dagaalo qaraar oo ka dhaca gudaha degaanada maamulkaasi.

Warar xog ogaal ah ayaa intaasi raacinaya in madaxweyne ku xigeenka oo ah gacanta midig Axmed Madoobe uu la kulmay saraakiisha ciidanka Kenya ee AMISOM.

Taliska ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ayuu kala xaajooday dagaalka Al-Shabaab iyo amniga inta lagu guda jiro doorashada.

Shaki la’aan, Axmed Madoobe cadaadis wayn ayuu kala kulmayaan dowladda federaalka, balse wuxuu ka digay dhiilo colaadeed oo ay xukuumadu isku dabarideyso.

Todobaadkii hore waxaa garoonka Kismaayo ka dhaca iska hor-imaad dhex-maray ilaalada murashax iyo Booliska, waxaana dhacdadaasi uu Axmed Madooba ku eedeeyay xukuumada.

Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa aad ugu kala aragti duwan doorashada Jubbaland, taasi oo mad-madow soo kala dhex-gelisay xiriirkooda.

Uhuru Kenyatta ayaa doonaya in Axmed Madoobe uu baaqi kusii ahaado xafiiska isaga oo eegaya danaha qarankiisa oo ah in aan la ogaan tacadiyada ay ciidamada wadankaasi ka geystaan degaanada Jubbooyinka.

Mas'uuliyiin ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in madaxda dowladda dhexe ay ku fashilmeen in ay kala qaybiyaan hogaanka ugu sareeya Jubbaland oo xusul-duub ugu jira difaacashada booskooda.

Xukuumada Farmaajo ayaa farogelin toos ah ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed taasi oo ay u fududeysay dol-daloola ka jiray dhanka ciidamada iyo maamulka oo kala qaybsamay.

Sidda ay sheegeen xeel-dheerayaasha, Axmed Madoobe iyo labadiisa ku xigeen oo kaashanaya madaxda kale ayaa haatan u muuqda mid ka baaran dagaya arrimahaasi, wallow isbedel uu dhici karo.

Sikastaba ha ahaatee, doorashaa Jubbaland oo murashaxiin dhowr ah ay ku tartamayaan uuna mid kamida ku sugan yahay magaaladda Kismaayo ayaa dhinac u ridi karta masiirka xukuumada federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM