Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Jigjiga iyo xariga Cabdi Illey

Image

JIGJIGA - Madaxweynihii DDSI, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen ciidamada Federaalka Itoobiya kadib markii uu dhawaan iska-casiley xilka Madaxweyne, sidoo kalena ay xiisado ka jiraan DDSI.

Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan magaalada Jigjiga ayaa daboolka ka qaadaya in Cabdi Illey ay ciidamada Milatariga Itoobiya jirdil iyo xarig isagu dareen markii ay ka wadayeen Hoyga uu ka degan yahay caasimada Dowlad degaanka Somaalida Itoobiya.

Balse, mas'uuliyiin u hadlay degaanka ayaa gaashaanka ku dhuftay warkaas, iyagoo tilmaamay in aan waxba ka jirin warka sheegaya in Cabdi Illey ay jirdileen Milatariga Itoobiya, islamarkaana si xoog ah ay ku wateen ciidamada.

Maamulka ayaa xaqiijiyay in Cabdi Illey looga ka xaystay Hoygiisa diyaarad Helicopter ah islamarkaana la geeyay Addis Ababa ee xarunta dalkaasi, halkaasoo lagu wado inuu kulamo kula qaatay mas'uuliyiin uu kamid yahay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Ma cadda sababta loo watay Cabdi Illay, balse, waxaa jira warar leysla dhex-marayo oo sheegaya inay lagu haysto sababta uu xilka ugu wareejiyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda, inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo dowladu kasoo saartay arrinkaas.

Madaxwaynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Sheekh Axmed ayaa sheegay in Cabdi Illey aan looga marmin siyaasadda degaanka, islamarkaana uu kaalin wayn ka qaadan doono go'aamada masiirka DDSI.

Cabdi Illey ayaa la rumeysan yahay inuu wali saameyn kusii yeelan doono DDSI, madaama uu yahay gudoomiyaha xisbiga haya talada dowlad degaanka ee Ethiopian Somali People's Democratic Party [ESPDP].

Kuwa ka agdhaw Cabdi Illey ayaa sheegaya in mas'uulkan uu go'aansaday inuu sii jooga Jigjiga, islamarkaana qeyb ka noqdo isbedelka cusub ee hadda socda, maadaama maamulkiisa lagu eedeeyay ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha uu dhacay.

 - Xaaladda Jigjiga -

Xaaladda Jigjiga ee xarunta DDSI ayaa lagu soo waramayaa inay ka jirto deganaansho aanan cago badanku taagneen, inkastoo aanu jirin Rabashadii jiray maalmihii u dambeeyay ee degaanka ka dhacayay, kuwaasoo galaaftay nolasha dad badan.

Inta la ogyahay in ka badan 50 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen Rabshadaha, kuwaasoo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi, waxaa intaas dheer dhaawac aan xad lahayn, iyo dhac baahsan oo loo geystay xarumo ganacsi oo ku yiilay meelo kala duwan.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo markii ugu horeysay xaaladda soo korartay ka hadlay ayaa aad u cambaareeyay rabashada ka dhacay Jigjiga iyo Dirir Dhawe, isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo, waxaana uu ka tacsiyadeeyay dadkii lagu dilay.

Milatariga Federaalka ayaa la sheegayaa inay wali ku sugan yihiin Magaaladda gudaheeda, iyagoo gacanta ku haya guud ahaan xarumaha dowladda, waxaana laga maqlayaa magaaladda rasaas goos-goos ah oo ay ridayaan ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 25 qof rayid ah oo lagu dilay Galbeedka Suudaan

Magaalada iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa dhowr maalmood waxaa ka dhacayay “duqeymo aan loo meel dayin iyo duqeymo xagga cirka ah”.

  • Afrika

    17-04-2024

  • 04:37AM

Tanzania: Fatahaadyo galaaftay 58 qof labo toddobaad gudahiisa

Afar bilood ka hor, ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay waqooyiga Tansaaniya.

  • Afrika

    15-04-2024

  • 10:29AM