Wasiir Dastuurka Dowladda Somalia oo Maanta Barlamanka hortagaya

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta lagu wadaa inuu hortago Barlamanka, kadib markii ay dhawaan u yeereen Xildhibaanada oo isaga mooshin ka keenay.

Todobaadki hore ayay 10 Xildhibaan ka hor akhriyeen Gollaha Shacabka Mooshin ay ku dalbadeen in loo yeero Wasiir Xoosh, kadib markii Boggiisa Twitter-ka uu soo geliyay qoraal uu uga soo horjeestay go'aankii Baarlamaanka ay ku laaleen amarkii Maxkamada Sare kasoo baxay ee ahaa in lagu laabto kuraasta 8 Xildhibaan oo khilaaf uu ka taagan yahay.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir, oo kamid ah Mudaniyaasha mooshinka ka keenay Wasiirka Dastuurka, ayaa xaqiijiyay in Warkii Xoosh uu ahaa mid hareer-marsan Dastuurka oo Mas'uul looga dhigay, ee qabyo qoraalka ah, islamarkaana looga baahan yahay inuu bixiyo sharaxaad ku saabsan sababta uu uga hor-yimid go'aan barlamani ah.

Bishii May ee sanadka, Maxkamada sare ayaa amartay in la dhaqan-geliyay go'aankii Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer qaran, oo uu kusoo celiyay kuraasta, kadib markii qaab musuq-maasuq iyo is-isdaba-marin ah ay kusoo baxeen xilligii doorashada.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ka doodi doono sharciga xilheynta Xildhibaanka, sababta uu xilkiisa ku weyn karo iyo qaabka loo buuxinayo kuraasta banaanaata, oo lasoo jeediyay kal-hore in loo soo doorto qaabkii hore, oo ahaa in 51 Ergo beeleed ay u codeeyaan, iyadoo murashaxiin u tartamayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM