Wasiir Juxa oo Booqday dhismihii hore ee Wasaarradda Arrimaha Gudaha

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta booqday xaruntii hore ee wasaaraddaas oo ay iminka ku suganyihiin qoysas danyar ah.

Dhismaha wasaaradda oo bur-bur xoog leh kasoo gaaray dagaalladii dalka ka dhacay, ayaa wasiirku sheegay inay u howl gali doonaan sidii dib u dhisid loogu samayn lahaa islamarkaana ay u noqon lahay xarun ay wasaaraddu ku shaqayso.

“Dalkan hadii la rabo inuu horay u socdo waa muhiim in la helo xarumihii dowladda, waayo meel lagu shaqeeyo lama helayo,”Ayuu yiri Wasiir Juxa.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu maamulka gobolka Banaadir, shacabka iyo dowladdaba ugu baaqay inay ka gacan siiyaan sidii xaruntan dib u dayac-tir loogu samayn lahaa.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda gobolka Banaadir, Shacabka reer Banaadir iyo dowladda Federaalka ah, inaan diyaar u nahay in shaqo muhiim ah halkan laga qabto, marka waxaan idin ka codsanaynaa inaad naga gacan siisaan sidi aan howshana muhiimka ah u qaban lahayn,” Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray mudane Juxa.

Dhinaca kale, Beesha Caalamka ayuu ka codsaday inay ka gacan siiyay dib u shaqaysiinta xaruntan oo ay dhistay dowladdii milatariga ee uu hogaaminayay AUN Maxamed Siyaad Barre.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka mas’uuliyad ka saarantahay sidii hoy, nolol iyo waxbarasho loogu raadin lahaa dadka xarunta wasaaradda degan.

Waa markii ugu horaysay wasiir katirsan dowladda uu booqdo xaruntan gaar ahaan xukuumadihii u dambeeyay ee ay madaxda u ahaayeen, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Dadka Somaliyeed ayaan ka haysan wax fikir ah oo la xariira inay jirto xaruntan maadama aysan jirin cid soo hadal qaadi jirtay.

Booqashadan ayaa timid wax yar uun kadib markii wasiir Juxa uu maanta xilka kala wareegay Cabdiraxmaan Odowaa, waxaana ku wehelinayay ku-xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM